Wiil Soomaali ah oo lagu toogtay dalka Mareekanka (Sawiro)

Magaalada Minneapolis ee dalka Mareekanka waxaa habeenadii Axada lagu dilay wiil Soomaali ah kaas magaciisa lagu sheegay Xuseen Cabdulkhadir.

Afhayeen u hadlay Booliska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in lasoo wacay waqti dhexe oo habeen ah loona sheegay in xaafada Elliot Park ee magaalada Minneapolis la isku Rasaaseeyay isla markaana uu jiro qof uu dhib soo gaaray.

Mid kamid ah saraakiishii goobta soo gaaray ayaa warbaahinta u xaqiijiyay waxa ay meesha ku arkeen waxa uuna sheegay in ay u yimaadeen wiil dhalinyaro ah oo ku jira daqiiqadihii noloshiisa u dambeysay isla markaana ay Bistooladi gacanta ugu jirto wiilkan ayay xaqiijiyeen inuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dhowr xabadood oo lagu dhuftay.

Hadaba Xuseen Cabdulkhadir ayaa sawirkiisa waxaa baraha Bulshada soo galiyay Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka la isku yiraahdo Twin Cities ee Minneapolis iyo St. Paul ee Gobolka Minnesota

Booliska magaalada Minneapolis ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira dhimashadda Xussein, Booliska ayaa sheegay in dhaawaca uu Xusseen u dhintay uusan ahayn mid kasoo gaaray Bistooladii uu asagu gacanta ku haystay marki ay u imaanayeen.

Xigasho Tusmo Times…