Maamulka Gobolka Banaadir oo Ka Qeyb Galaya Shirka Loogu Hadlaayo Abaaraha Dalka

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa goordhaweyd magaalada muqdisho ka furay shirka heerka sare ee loogu hadlaayo Abaaraha dalka xiligaan ka jira.

Shirkaan uu Madaxweynaha Soomaliya ka furay xarunta Xalane waxaa ka qeyb galay madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira, dowladda Dhexe ee Soomaliya iyo ms’uuliyiin ka socda beesha Caalamka.

Hase yeeshee arrinta muhiimka ah ayaa ah in markii ugu horreysay shirkan uu ka qeyb-galayo maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa shirka dhinaca fadhiya madaxda kale ee maamul goboleedyada dalka ka jira, waana markii ugu horreysay ee arrintan ay dhacdo.

Arintaan ayaa meesha ka saaraysa murankii ka jiray in maamulka Gobolka banaadir uusan matalaad ku laheyn wada-tashiyadda u dhaxeeya Dowladda dhexe ee Soomaliya iyo kuwa Dowladda Goboleedyada.