Liibiya: labaatan jir Soomaali ah oo Isku Gubay Xabsi

Sida uu daabacay Wargeyska Irish times oo soo xiganaya Maxaabis Soomaaliyeed iyo Hey’adda Socdaalka Adduunka,waxaa xabsi ku yaala dalka Libiya isku gubay Muwaadin Soomaaliyeed.

Waxaa la xaqiijiyay In muwaadinka oo 20-sano jir ahaa uu isku bil-bilay nafto uu kasoo qaatay matoor yaala Xarunta uu ku xirnaa waxaa una isku daaray Dab.

Sababta ku qasabtay ayaa lagu sheegay in ay u suurta gali waysay rajadii ahayd in uu dago dal nabad ah.

Dhanka kale Hey’adda Socdaalka ee IOM ayaa ka hadashay falkaan uu ku kacay Muwaadinka Soomaaliyeed.

Afhayeenka Hey’adda Joel Millman in maxuusku uu isku gubay fal gadood ah.

“Waxaa la geeyay Cusbitaal ku yaala Magaaladda Tripoli, kooxdeenna Caafimaadka ayaana Booqatay waxayna u sheegeen maamulka Cusbitaallka in ay caawinayaan hadii ay u baahdaan” ayuu yiri Afayeenka IOM.

Xabsiyadda dalka Liibiya ayaa waxaa ku xiran Soomaali badan ,kuwasi oo doonaya in ay gaaraan qaar kamid ah dalalka yurub.