Nin u dhashay wadanka K/Afrika oo 6 sano u xirnaa Al-qaacida ayaa lasii daayay kadib markii uu Muslimay

Stephen McGowan oo u dhashay wadanka Koofur Afrika ayaa qaatay diinta Islaamka isagoo u xirnaa muddo lix sano ah ururka Alqaacida ee qaybta wadanka Mali kuwaas oo gacanta ku dhigay sanadii 2011.

Kadib muddo bil ah markii Alqaacida ay sii daysay ninkan  ayuu shaaciyay inuu Muslimay uuna wax wanaagsan oo badan dareemay markii uu qaatay diinta Islaamka.

McGowan ayaa sheegay inuusan jari doonin garka maadaama uu yahay mid diinta Islaamka ay ka dhigtey mid sunno ah.”ayuu yiri  McGowan.

Ninkan Islaamay oo hore u haystay diinta Masiixiga ayaa lix sano kahor waxaa gacanta ku dhigey ururka Alqaacida isaga iyo afar kale oo ajaaniib ah.

McGowan oo ka soo baxay isbitaal baaritaano loogu sameynayay ayaa sheegay inuusan dhibaato kala kulmin mudadii uu ku jirey gacanta ururka Alqaacida diinta Islaamkana uu u qaatay isagoo aysan cidna qasbin.