Muhaajiriin ku geeriyooday Xeebaha Turkiga

Ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa sheegay inay ugu yaraan Afar qof ku geeriyootay meel ka baxsan Xeebaha Badda Aegean ee dalkaasi, kadib markii ay ilaalada Xeebaha Giriiga ay dib u soo celiyeen Laba Dooni oo ay la socdeen ugu yaraan 42 qof oo Magangelyo-doon ahaa.

Ciiddanka ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa soo badbaadiyey 38 Muhaajiriin Shisheeye ah oo la socday labadii doon ee ay Giriiga soo celiyeen.

Muhaajiriinta la socday labada Dooni waxaa laga helay meel ku dhow Gacan-biyoodka The Dilek Peninsula ee Degmadda Kuşadası ee Gobalka Aydin ee Galbeedka dalka Turkiga.

Dhanka kale, Afarta Muhaajiriinta geeriyootay ayaa kala ahaa 3 Nin iyo Haweeney, wallow aan la sheegin dalalka ay u kala dhasheen.

Sido dalalka ay u dhasheen muhaajiriinta la soo badbaadiyey ayaan weli wali si guud loo shaacinin, balse, nin ka badbaaday Shilkaasi oo u dhashay dalka Liberia ayaa sheegay inay Ciiddanka Boliska ilaalada Xuduudaha ee dalka Giriiga ay khasab ku soo celiyeen, iyagoo ka jejebiyay Mobayladii ay wateen.

Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc
Contact us: info@goobsan.com