Dowlada UK oo Shacabkeeda ka dalbatay in ay soo dhaweeyaan Qaxootiga Ukraine.

Dowladda Britain ayaa soo jeedisay in si aan kala-har lahayn loosoo dhaweeyo Qaxootiga Ukraine ee ku firxaday Qaaradda Yurub kaddib markii Ruushka uu xoojiyay duqeynta uu ku beegsanayo Dalkaas.

Qoraal kasoo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay in Baaqa qaabilaadda Dadkaan uu ku socdo Dadweynaha Ingiriiska, Ganacsatada, Hay’adaha & Bulshada awoodda u leh in ay martigeliso qoysaskaan.

Dowladda ayaa Hay’adda Socdaalka Britain ka dalbatay in ay ka shaqeyso soo dhaweynta Dadka reer Ukraine oo si KMG ah loo siinayo Sharciga, Dadkaas ayaa qudhooda lagu wargeliyay in ay ogolaadaan in 6 bil ilaa la heynayo.

“Saraakiisha Laanta Socdaalka Britain ayaa ka shaqayn doona in ay qaxootiga Ukraine u gudbiyaan shakhsiyaadka ama Hay’adaha ku habboon in ay dib u dejin u sameyn karaan, waa in Dadkaasi qudhooda oggolaadaan in ay qaxoontiga Hayaan muddo 6 bil ah, sidoo kalena caddeeyaan in ay buuxin karaan shuruudaha ku habboon haynta qaxootiga” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dalalka Yurub ayaa dusha saartay soo dhaweynta Qaxootiga Ukraine, waddamada ugu badan ee qaabilay waa Dalalka Deriska la ah oo ay ka gudbeen Soohdinta, Bangiga adduunka ayaa dhawaan lacag ugu deeqay Ukraine si wax loogu qabtay.