Maanta oo kale 20 Bisha June maxaa Caalamka laga Xusaa?

Maanta oo Talaado ah taariikhduna ay ku beegantahay 20 bisha Juun Waa maalin loo asteeyay Maalinta Qaxootiga Caalamka waxaana inta badan laga xusaa Soomaaliya iyo waliba qaar ka mid ah Wadaamda Caalamka.

Munaasabado lagu xusayo Maalinta Qaxootiga Caalamka ayaa la filayaa in Maanta ay ka dhacaan Magaalada muqdisho iyo waliba Xarumaha maamul goboledyada dalka ka jira,waxana ka qeybgeli doona madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada.

Dalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka mid yahay Wadamada farakutiriska ah ee dadkooda ay yihiin kuwo Qaxooti ku ah daafaha Caalamka,waxana jira dhlinyaro Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Wadamada qaar kadib markii dalkeena ay ka tahriibeen.

Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa ah kuwa aduunka ku faafsan waxaana sababay dowlad la’aanta mudada dheer ka jirtay wadankeena Soomaaliya oo ay usii dheer tahay xaalada Nolol xumo iyo mida Amni daro ee Wadanka ka jirtay.