Soomaali ku nool xerada Dhadhaab ah Oo Deeq Waxbarasho Ka helay Cambridge.

Ku dhowaad 50 ruux oo qaxooti soomaaliyeed ah oo ku nool xerada Dhadhaab ee gobolka waqooyi Bari Kenya ayaa deeq waxbarasho ka helay Dibada.

Ardadan oo natiijooyin wanaagsan ka helay Imtaxaanada Kenya ayaa ku biiri doono Jaamacada Cambridge ee dalka UK.

Cabdulaahi Cumar oo ka mid ah ardada heshay waxbarashada Jaamacadeed ayaa tilmaamay in uu rajeynayo in dalka ku soo laabto si uu wax ugu Qabto.

Waa markii ugu horeysay oo qaxooti soomaaliyeed oo tiradoodu dhan tahay konton ruux ay waxbarasho ka helaan Jaamacadaha UK.