tahriibayaal ku geeriyooday Badda u dhexeysa Faransiiska iyo Britain.

laa iyo inta la ogyahay 33 muhaajiriin ah oo doonayay inay u soo gudbaan Britain ayaa ku dhintay xeebta u dhaxaysa Faransiiska iyo England, kadib markii doon ay la socdeen ay ku degtay waqooyiga xeebta magaalada Calais sidda ay booliiska Faransiisku xaqiijiyeen.

Tahriibayaashan oo doonayay inay si sharci daro ah ku soo galaan dalka UK ayaa waxay doonidii ay la socdeen ku qalibantay xeebta Calais.

Ururka Qaramada Midoobay ee muhaajiriinta ayaa sheegay in shilkani yahay kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca xeebtaasi tan iyo intii ay billaabeen ururinta xogta dadka ku nafwaayay biyahaas sannadkii 2014kii.

Booliska ayaa sheegay in weli la wado baaritaanka meydadka kuwaasoo oo laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay intaas ka badato.

Goobsan Media Inc.