Norway: Booliska oo soo bandhigay sawirada laba ruux ee ka dambeeyay dilka Wiilkii Soomaaliga.

Booliska Magaalada Oslo ayaa maanta soo bandhigay magacyada iyo sawirada laba ruux oo ay ku tuhmayaan ku lug lahaanshaha dilka wiil Soomaali ah ee lagu magacaabi jiray Xamse Haashi.

Booliska ayaa sheegay in labadaan ruux yihiin walaalo ila dhashay isla markaana hore u garanayeen.

Valon (35) og Visar (32) Avdyli ayay sheegeen booliska in wadanka isaga baxeen laba maalin kadib markii dilku dhacay.

Waxaa ay xuseen in haatan ku tala jiraan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa labadaas ruux isla markaana wargaliyeen Booliska caalamka.

Labadaan ruux ayaa ahaa kuwo hore loogu xakumay xabsiyo kala duwan waxaana mid ka mid ah lagu soo eedeeyay in uu u soo dagaalamay Ururka daacish halka kan kale dhaqaale u diri jiray.

Valon (35) og Visar (32) Avdyli ayaa diyaarad u raacay Magaalada Pristina  ee Wadanka Kosovo ,Booliska ayaa raja Wanaagsan ka qaba in gacanta lagu soo dhigo.

Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc
Contact us: info@goobsan.com