Midowga Yurub Oo ka walaacsan qurlqulka Muhaajiriinta ee xadka Poland soo gaaray.

Madaxda Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Belarus in maanta uu 4000 kun oo Muhaajiriin ah soo dhoobay xuduudka Poland.
Muhaajiriinta ku sugan xuduudka ayaa maanta dagaal la galay ciidanka Ilaalada xuduudaha Poland si ay u soo jiiraan.
Midowga Yurub Oo ka walaacsan qurlqulka Muhaajiriinta ee xadka Poland soo gaaray ayaa sidoo kale waxay ka cabsi qabaan in xaalado bin’aadantinimo  halkaasi ka dhalato maadaama muhaajiriinan ay ku jiraan dhalaan iyo haween.
Belarus ayaa qorsheyneysay in caawa saq dhexe ay xuduudka Poland keento 5000 kun oo muhaajiriin oo cusub si ay halkaasi uga sii talaabaan xadka Poland.
Madaxweyne alexander lukaschenko oo ka careysan cunaqabteyntii la saaray ayaa ugu hanjabay dowladaha midowga Yurub in ku ridi doonaa Dhul gariir Muhaajiriin ah.