Khat-kii ugu badnaa oo lagu qabtay dalka Germany

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada München ee Gobolka Bayern ayaa waxaa Khamiistii lasoo dhaafay lagu qabtay 1200 Kiilo oo Qaadka qalalan ah (Jaadka la qalajiyay).
Boliiska ayaa maanta waxay soo saareen war saxaafadeed arrinkaasi ku saabsan. Waxay sheegeen in Diyaarad lasoo saaray qaadka oo magaalada Dubai laga soo diray, laguna qoray in alaabo guryaha iwm lagu quruxsado ay yihiin, qaadkan ayaa waxaa loo waday Dalka Mareykanka.
Maadaama alaabtu ay transit ku ahayd Dalka Jarmalka boolisku waxay xaq u lahaayeen  inay alaabtaasi baaraan.
Boliiska waxay sheegeen in 1200 Kiilo oo Qaad ah ay tahay Qaad kontorobaan ah kii ugu tiri badnaa ee abid ay ku qabtaan garoonkaas.