Wasaaradda Gaashandhiga Mareykanka oo Sheegtay in ay Xoojineyso Taageerada La Siiyo CXDS

Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee AP ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Militariga Mareykanka kordhin doono taageerada iyo Xoojinta dhinaca Militariga ah Ciidanka Qaranka Soomaaliya si ay u baabi’yaan Qatarta Al-shabaab.

Sarkaal Sare oo ka tirsan waaxda Difaaca ee Mareykanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in ciidamada Mareykanka ay kordhin doonaan taageerada dhinaca amniga ee ay ciidamada Mareykanka siiyaan Ciidanka Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay in la cirib tiro kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab sidaa darteedna ay garab weyn siin doonaan ciidanka Milatariga Soomaaliya.