Qofkii ugu horreeyay oo laga helay Cudurka EBOLA oo lagu arkay Kenya.

Xukuumadda Kenya ayaa xaqiijisay in qofkii u horreeyay ee Kenyaan ah laga helay cudurka Ebola, isla markaana la geliyay karantiil si looga digtoonaado inuu faafo.

Saraakiisha caafimaadka gobolka Kericho ayaa sheegay in haweeney Kenya u dhalatay oo ku nool gobolkaas laga helay cudurkan, isla mrkaana la dhigay goob loo diyaariyay in lagu karantiilo dadka qaba curudkan halista ah.

Waxay saraakiishu hadalkooda ku dareen in haweeneydan oo da’deedu aad u yar tahay laga helay calaamada cudurka Ebola sida xumadda ama qandho kulul, iyagoo sheegay in goobta la dhigay lagu hayn doono illaa caafimaad ay ka helayso.

Sidoo kale, Warbixin ay soo saareen maamulka gobolka ayaa lagu sheegay in haweeneyda laga helay cudurkan halista ah ay shalay u gudubtay dalka Uganda halkaas oo ay ku booqatay saygeeda, inkastoo aan la sheegin in saygeedu cudurka qabay iyo in kale.

Xukuumadda Kenya ayaa heegan gelisay hay’adaheeda caafimaadka si ay uga hortagto cudurkan halista badan, waxaana la sameeyay shaqaale loo tababaray ka hor-tagga iyo la socoshada faafitaanka cudurkan.

Dhanka kale, Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa shalay ku dhawaaqday inay u diyaar-garowday ka hortagga cudurka, ayna heegan gelisay shaqaale caafimaad oo loogu talo-galay inay cudurkan ka hor-tagaan.

Wasiiradda caafimaadka Soomaaliya, Fawsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in hay’adaha socdaalka iyo amaanka dalka ay war-geliyeen in dhaq-dhaqaaqa dadka soo galaya dalka lala socdo, si looga fogaado in cudurka sahal kusoo galo dalkeenna Somalia.

Dalka Uganda oo uu cudurkan faro ba’an ku hayo ayaa waxaa Somalia ka jooga kumannaan askari oo qayb ka ah howl-galka Midowga Afrika, kuwaas oo u kala safra labada waddan, waxaana cabsi weyn lga qabaa in cudurku uu soo gaaro Somalia.

Ugu dambeyn, Cudurka Ebola ayaa dadka qaba la karantiilaa ilaa 21 casho si looga hortago in dadka qaba cudurkan ay la fal-galaan bulshada inteeda kale, waana cudur halis badan oo dilaa ah.