Waa Maxay Howlgabka kacsiga (Impotence)

Dhibaatada kacsiga, oo iyaduna loo yaqaan howlgabka kacsiga wuxuu ku timaadaa boqolkiiba 5 illaa 10% nimanka da’ 40 naadka ah. da’duna si kala duwan ayay ugu korortaa.

Dhibaatada howlgabka kacsigu inta badan waa dhibaato siyaabo kala duwan ku timaadaa.
Cudurkan waxaa ka mid ah oo kale howlgabka kacsiga hordhaca galmada, hase yeeshee aan sii wadi karin kacsigii muddo ay ku galmoodaan.

Kacsigu wxuu ku bilowdaa isaga oo ku xiran dareen kacsi, markii ay xididada yar yarka ah ee xubinta ninka ay qulqul dhiig ah ay soo galaan, way fiddaa.

Xubinta galmada ninka waa ay weynaataa, laakiin haddii ay xididada dhiiggu ay dhiigga ka saaraan xubintaasi, wayna soo ururtaa, markii ay xubintaasi kacdona waa ay weynaataa waana dheeraataa.

Cudurkan howlgabka kacsi wuxuu ku yimaadaa iyada oo ay qulqulka dhiiggu soo gaarin ama uusan joogtoobin, ka dibna aad is aragto inaadan kacsan karin ama muddo yar kaliya kacsato.

Kacsi yari la dareemo muddo gaaban ama dhowr jeer lama oran karo howlgab kacsi, taasi waxay badanaa la xiriirtaa nafsiyaatka ama dareenka uu qofka ku sugan yahay markaas, mana ahan xaalad daawo loo raadiyo, erayga “Howlgabka Kacisga” waxaa loo isticmaalaa dadka aanan marnaba awoodin in ay kacsadaan, inta badan xaaladahaan waxaa sabab u ah cudurro jireedka. Da’du shardi uma aha iney keento cudurkan howlgabka kacsi.

Cudurkan howlgabka kacsiga wuxuu caadi ahaan ku yimaadaa dadka qaba kaadi macaanka, wadna xanuunka, dhiig karka cudurada neerfaha iyo nimanka qalliinka lagaga sameeyay dhibaato kaga timid qanjirka borostaytka.
Kiniiniga jirka biyaha ka saaraa ee (diuretics) iyo daawada loo qaataa dhiig karka, daawada suuxdinta, daawada isku-buuqa iyo stress-ka (anxiolytics)..

Daaweynta cudurka howlgabka kacsiga waxay keensaneysaa ugu horeyntii in adiga iyo dhakhtarkuba isla baartaan islana cadeysaan in adiga iyo qofka aad la nooshahay ay wax dhibaato ah ka jiraan noloshiinna, taasoo sabab u noqon kartaa awooddan kaa maqan ama dhibaatadan aad ka sheeganeyso.

Waxaa muhiim ah ah inaad joojiso isticmaalka khamriga, qaatka / jaadka iyo sigaarka oo keena hawlgab kacsi.

Wada hadalkaasi ka dib waa in dhakhtarku baaraa inaad ka sheeganeyso cudur aan lagaa daaweyn.

Daawada ugu wanaagsan ee lagu daweeyo cudurkaan baa ah maadada kooxda PDE 5-joojisa, daawooyinkaasi waxay xoojiyaan qulqulka dhiiga xubinta ragga, iyadoo la helayo kacsi ama uu joogto noqonayo.

Daawooyinkaasi wax badan kuma kala duwana dhinaca waxtarkooda, waxay shaqeynayaan muddo 4-5 saacadood ama 24 saacadood halkii mar.

Aad bay muhiim u tahay in hoos laga xariiqo, in daawadu ay waxtar leedahay oo kaliya xilliga kacsiga galmada , dadka qaar kaniiniyadu waxba uma taraan.

Waa inaad daawada qaadataa ilaa 1 saac inta aadan u tegin xaaskaaga, waana in dhakhtarka aad kala tashataa xaddiga aad ka qaadanaysid iyo waxyeellada laga filan karo.

Ma qaadan kartid kiniiniyaasha, haddii aad qaadato daawooyinka ah nitroglycerine, kaasoo loo qaato wadna xanuunka.

Source: Somalidoc