Lix cudur oo uu DAAWO u yahay shaaha lagu daro SANJABIISHA!

Sanjibiishu waxa ay ka mid tahay dhir daaweedka qarniyada badan  ay dadka dunidu u isticmaalayeen daaweynta xanuuno kala duwan. Cilmiga cusub ayaa ka marag kacay in sanjabiishu ay tahay dawo waxtar badan.

Qoraalkaan waxaa ku soo qaaday qaar ka mid ah faa’iidooyinka caafimaad ee shaaha sanjabiisha leh:

Xanuun baabi’iye: Sanjabiisha waxaa Alle ku abuuray walxo faaido u leh caafimaadka waxaa ka mid ah Maado la yiraahdo “Gingerol” waa maado sun-saare iyo caabuqdile xoog leh, waana xanuun baab’iye isku jiro! Sanjabiishu waxay daaweysaa jir ololka ama hurka, xaglo xanuunka, bararka iyo muruqyo xanuunka. Sanjabiisha waxaa la adeegsadaa in lagu daweeyo madax xanuunka iyo xanuunka dhiigga caadada.

Cayilka: Sinjibiisha oo ka mid ah dawo dhireedda taariikhda fog leh ayaa la aaminsan yahay in ay wax ka tarto cudurro badan iyo in ay si aad ah hoos ugu dhinto miisaanka. Qaabka loo isticmaalayana waa in sanjabiil qoyan shaaha lagu darsado ama iyadoo qoyan inta biyo lagu milo la cabbo. Cabista shaaha sanjabiisha leh oo la joogteeyo waxay caawisaa misaan dhimista.

Lalabada ama yalaalugada: Sinjibiisu waa daawo dabiici ah oo si aad u tayo badan ula dagaalanta lalabada waxaa Alle ku abuuray awood lalabo dejin iyo matag ka hortag waxayna uroon tahay haweenka wallaca ah. Waxaa loo isticmaali karaa cabbitaan ahaan ama inyar oo ka mid ah ayaa shaaha lagu karinayaa, dhaqso ayayna lalabadu u ba’aysaa.

Hargabka: Shaaha Sanjabiisha leh waxuu joojiyaa qufaca, cuncunka iyo cuna xanuunka, sanjabiisha oo lagu sameeyay cilmibaaris kala duwan ayaa la isku waafaqay in daawo ahaan loogu adeegsan karo xaaladaha qaar oo uu ka mid yahay hargabka.

Ka hortagga kansarka: Daraasado la sameeyay ayaa daahfuray in sanjabiishu ay ka hortagto cudurka kansarka gaar ahaan noocyada kansarka ganaca iyo kansarka malawadka.

Caafimaadka wadnaha: Sanjibiishu waxaa loo adeegsan karaa xoojinta caafimaadka wadnaha, maadaama oo ay yarayso heerka dufanka (Kalastaroolka) ee dhiigga ku jira, kaas oo khatar ku ah wadnaha, xididdada dhiigga iyo guud ahaan caafimaadka qofka. Sidoo kale sanjibiishu waxa ay ka hortagtaa xinjirowga dhiigga, taas oo ka dhigaysa hormoodka dhirta iyo caleenta kala duwan ee caawiya xoojinta caafimaadka wadnaha.

Isha: Daryeel Magazine