Ciladaha caado wareerka iyo dhalmo la’aanta Haweenka

Inta aan u guda galin faahfaahinta cilladaan, waxaan rabaa in dhowr arrimood u caddeeyo akhristayaasha, sababtoo ah asxaab badan ayaa nala soo xiriirtay iyagoo aaminsan inay cilladaan qabaan, laakiin waraysi kadib cilladoodu ay noqdeen arrimo kale.

  • Midda 1-aad in caadadu ay khalkhal gasho waa arrin aad ugu badan haweenka, taasi maahan in qof walba oo caado wareer isku arko inuu xanuunsan yahay ama wax ka khaldan yihiin maxaayeelay waxyaabo fudud ayaa caadada soo daahin karo ama soo dadajin karo, marka haddii aad isku aragtay caadada oo wareersan kaliya oo cillad kale la socodn, fadlan akhriso qoraalkaan ayaa ku anfaci doono
  • Midda 2-aad haddii aad ku xanuunsatid wareegga caadada adigoo isku arka dhabar xanuun iyo mindhicirro majiir, iyaduna waxay noqon kartaa arrin dabiici ah oo cillad aan ka tarjumaynin, waxaana jiro siyaabo dabiici ah oo xanuunkaas lagu yarayn karo.

 

  • Midda 3-aad waxaa jiro arrimo si dabiici ah haweenka qaarkood iskugu arki karaan markuu wareegga caadada u soo dhaw yahay ama hayo, waana arrin ku lug leh isbadalka hormoonka ee dhacayo xilligaas waana ku meel gaar ee maahan wax sii jirayo caadada ka dib, waxyaabahaas waxaa ka mid ah: finan wajiga ka soo yaaco, naasaha oo culeys noqdo, danqashane laga dareemo iyo sinta ama lugta oo lagaa qabto.

 

  1. Intaas kadib, haddii aan u gudbo casharkeena maanta oo ku saabsan cilladda caado wareerka oo ay la socdaan dhalmo la’aan ama dilan joogto ah, xaad wajiga ka soo baxdo, naasaha oo caano soo galaan iyadoo uur iyo nuujin toona jirin, wajiga oo finan joogto ah yeesho, hammin yari iyo galmada oo xanuun lagu dareemo, welwel iyo diiqad joogto ah iyo cayil aadan isku aqoon jirin. intaas oo isla socdo waxay astaan u tahay laba cudur oo badanaa la isku qaldo oo kala ah:
  2. Cilladda Kacsanaanta Hormoonka “Prolactin. Halkan ka aqriso qoraal ku saabsan http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6359.0.html
  3. Cilladda Ugxansidaha Fiixda Leh “PCOS” sidoo kale  halkan ka aqriso qoraalka ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3126.0.html

Xigasho: Somalidoc