Waa maxay cudurka indhaha ku dhaca ee Gulukooma

Gulukooma waa cudur indhaha ku dhaca oo keeni kara indho-la’aan ama lumis arag. Marka aad qabtid gulukooma, dheecaan ayaa iska buuxiya isha, taasoo cadaadis saarta xagga dambe ee isha. Cadaadiskaasi waxa uu dhaawac u geystaa dareemaha iftiinka (optic nerve) waxana uu sababaa lumis arag. Badanaa marka hore waxa waxyeelo soo gaaraa aragga dhinacyada, taasoo ay ku xigto aragga xagga hore.

Noocyada Gulukooma
Laba nooc ee ugu weyn gulukooma waa:

  • Gulukooma xagal-furan (open-angle glaucoma) badanaa ma laha calaamado ilaa ay ka gaarayso heer fog. Si tartiib ah ayuu cadaadisku waxyeelo u gaarsiiyaa dareemaha iftiinka mudo dheer ka dib. Taasi waxay saameysaa labada indhoodba laakiin waxa laga yaabaa inaad marka hore calaamado ku aragtid hal il.
  • Gulukooma xagal-xiran (angle-closure glaucoma) waxay leedahay cadaadiska oo dhakhso sare u kaca iyo calaamado dhakhso u yimaada. Lumis arag oo joogto ah ayaa ku dhici karta maalin gudaheed sidaa daraadeed waxa si weyn muhiim u ah inaad heshid daryeel caafimaad isla markiiba.

Xaaladaha Halista ah
Waxa aad halis u tahay inaad yeelatid gulukooma haddii aad:

  • Leedahay qof ka tirsan qoyskaaga oo qaba gulukooma
  • Qabtid sonkor/sonkorow ama kaadi-macaan, dhiig-kar ama cadaadis dhiig oo sareeya, cudur wadnaha ah ama shaqo-yarida qanjirka qoorta (hypothyroidism)
  • Arag dhowdahay
  • Haddii dhaawac isha kaaga dhacay, laguu sameeyay qalitaanada indhaha qaarkood ama aad qabtid barar indho oo mudo dheer jiray
  • Qaadanaysay istariyoodh (steroids) mudo dheer
  • Ka weyn tahay da’da 60

Calaamadaha
Glucoomada waxa laga yaabaa inaanay yeelan wax calaamado ah ilaa ay ka imanayso lumis arag. Calaamadaha kale ee aad isku arki kartid waxa ka mid ah:

  • Arag isku darsan
  • Giraamo iftiin ah oo ku wareegsan wax iftiimaya – Sida qaanso roobeedka u eg (Halos)
  • Lumis aragga dhinacyada (peripheral vision)
  • Arag si weyn u dhuuban (Tunnel vision)
  • Indho casaada
  • Xanuun indho oo daran
  • Lallabo iyo matag

Daaweyn
Waxa laga yaabaa in dhakhtarkaaga indhuhu sameeyo baaritaano si loo hubiyo:

  • Cadaadiska isha
  • Dareemaha iftiinka
  • Aragga

Gulukooma lama bogsiin karo isla markaana dhaawaca ay keento lama tirtiri karo. Laakiin marka la helo daweyn, cadaadiska isha ayaa la yareyn karaa waxana la badbaadin karaa araga haray si aanu u lumin. Dhibco isha lagu dhibciyo ayaa ah daweynta ugu horeysa ee ugu caamsan ee lagu daweeyo gulukooma. Daweynada kale waxa ka mid noqon kara dawooyin afka laga qaato, daweyn la adeegsanayo laysar (laser) ama qalitaan. Marka aad qabtid gulukooma, waa in la daweeyo inta ka haray noloshaada oo dhan.

Daryeelkaaga
Ma jiro wax la xaqiijiyay oo lagu baajin karo gulukooma. Haddii la dareemo cadaadis isha ku soo kordhay oo goor hore la daweeyo, waxay taasi yareyn kartaa lumista aragga waxana ay baajin kartaa indho-la’aan.
Indhahaaga ha laguu eego oo ha laga baaro gulukooma ugu yaraan shantii sannadood mar ka dib da’da 40 jir.

XIGASHO: Somalidoc