Maxay Dhakhaatiirtu Ka Sheegeen Galmada Xiliga Uurka?

Galmada xiliga uurka waxay kamid tahay waxa ugu danbeeya ee kujiri kara maskaxda haweenka uurka leh qaarkood, khaas ahaan marka ay kujiraan bilowga uurka ama maalmaha hore ee uurka. Halka qayb kale oo dumarka kamid ah ay ka duwanyihiin kuwa hore.

Marka laga hadlayo ragga, ragga laftirkeedu way ku kala qaybsan yihiin galmada waqtiga uurka. Qayb ragga kamid ah waxay ka cabsadaan inay dhaawac gaarsiiyaan ilmaha yar ee uurka kujira, halka qayb kale oo ragga kamid ahna aysan dhib u arag galmada noocaas ah.

Isku haleyn intee ah baa lagu qabaa galmada xiliga uurka?

Galmada xilliga uurku haba yaraatee malahan wax khatar caafimaad ah oo looga cabsado, waxaa la xaqiijiyay in galmada uurku aysan wax khatar ah u keenin ilmaha uurka kujira hadii aan la samayn fal ka baxsan galmada. Marka kaliya ee laga cabsan karo in galmada uurku dhib keento waa marka haweenayda uurka lihi tahay qof ay uurka u weheliyaan dhibaatooyin kale oo caafimaad.

Bilowga ilaa dhamaadka uurka iyo galmada
Khubarada caafimaadka ku takhasusay siiba kuwa bartay cilmiga Gynecology oo ah qayb kamid ah caafimaadka oo qaabilsan cudurada haweenka iyo wixii la xiriira waxay ku cadeeyeen cilmi baaris ay sameeyeen in bilaha hore ee uurka in aysan dumarka intooda badan jeclayn inay galmo la sameeyeen ragooda sababtoo ah uurka ayaa ku keenaya xaalad ka badalan tii hore, inta badan dumarkuna xilligaas waxay isku arkaan daal badan, lallabo iyo matag. Waana taas mida nacsiinaysa galmada.

Balse marka la gaaro billaha dhexe ee uurka inta badan dumarku way kabaxaan xaaladii dabacsanida ahayn ee ay kujireen taas ayaana u ka dhigaysa kuwo xiisa badan u haya galmada. Isla markaasna xubinta taranka haweenaydu waxay soo daynaa dheecaan qoynaya xubinta oo dhan isla markaasna ka dhigaya haweenayda mid u baahan galmo. Balse marka la gaaro bilaha danbe ee uurka waxaa isbadalaya xaaladii hore ee hooyadu kujirtay tusaale ahaan, caloosha oo soo waynaanaysa, culayska oo ku badanaya hooyada iyo waxyaalo kale oo badan.

Dhamaan waxyaalahaas waxay ka dhigayaan haweenayda mid aan awood badan iyo xiiso badan u hayn galmada.

Waxay kaloo khubaradu ku sheegeen ilmaha uurka kujira inuu yahay sida ukun ku dhex jirta birkin isla markaasna ay dusha kasii saaran tahay birkin kale. Taas micnaheedu waa in ilmuhu kujiro bad baadi wanaagsan oo uusan wax ku noqonayn galmada.

Hadii haweenay caafimaad qabta ay uur yeelato isla markaasna doonayso inay ninkeeda galmo la samayso majiraan haba yaraatee wax khatar ah oo ka hor taagan galmadaas, marka laga reebo isbuucyda ugu danbeeya uurka oo ay fiican tahay in xooga la yara joojiyo.

Maadaama xilligaas ay khatar tahay in garaacida galmadu dhib u gaysato xabka ama biyaha minka oo ku dilaaci kara hadii galmo xoog leh la sameeyo.

Waa maxay sababaha looga fogaan karo galmada xiliga uurka?

Galmada xilliga uurku uma fiicna dumarka xaaladooda caafimaad aysan fiicnayn ama horay ula soo kulmay dhibaatooyin caafimaad sida, dumarka ilmuhu ka dilmaan, dumarka dhiig baxa, iyo wixii lamid ah. Sidoo kale dumarka qaba cudurka mandheer daboolka dumarka noocaan ah hadii ay galmo sameeyaan inta badan waxay la kulmaan dhibaatooyin caafimaad sidaa darteed waxaa lagula talinayaa inay la kulmaan dhakhtar lana wadaagaa xaaladahooda intaysan go aansan inay galmo sameeyaan.

Sidoo kale dumarka qaarkood waxaa ku dhaca dhiig bax ama in xubintooda taranku urto sidaa daraadeed waxaa dumarkaas lagula talinayaa inay la tashtaan dhakhtarkooda intaysan sameen galmo kale.

Ugu danbayntii hadii ninku uu qabo cudurada ka isku gudbiyo waxaa lagula talinayaa in lamaanaha is qabaa iska ilaaliyaan galmo aysan isticmaalin bacda looga hortago cudurada la isku gudbiyo.