Nabarrada Caloosha (Peptic Ulcer Disease)

Waa mar kale iyo taxanaheenii caafimaad oo maanta aynu ku soo qaadanayno maqaal daba socda qormadeenii todobaadkii hore.

Nabarrada caloosha waa mid ka mid ah xaaladaha caafimaad ee mudooyinkan dambe ku soo badanaya dadkeena.  Xaaladan caafimaad ayaa ah mid ka dhalata kolka uu khalkhal ku yimaado lakabka ugu xiga gudaha caloosheena iyo qaybta sare ee midhicirada.

Xanuunkan ayaa ah mid ay keeni karaan asbaabo badan oo kala duwan. Waxa ugu caansan bacteria-da H.Pylori iyo daawooyinka qaarkood.

Dawooyinka qaarkood gaar ahaan kuwa xanuun biiyaha ah ayaa iyaguna ah  qaar keeni kara nabaradan. Dawooyinkan ayaa iyagu xaniba dheecaano dahaadha isla markaan ilaaliya nudaha ay leeyihiin qaybo ka mid ah dheef shiidkeenu.

Dheeliga ku imanaya dheecaanadii dhibta geysanayay iyo kuwii dhawrayay ayaa ah habka  ugu weyn ee ay ku imanayaan nabaradani.

Qodobada kor u qaadi kara halistan inaad u bandhigtanto:-

  • Sigaarka
  • Cabidda balwadaha kale
  • Werwer joogto ah
  • Cuntooyinka basbaaska badan

Astaamaha xanuunkan ayaa imanaya kolka uu jidhkeenu xakamayn kari waayo. Waxa ka mid ah :-

  • Calool olol
  • Laab dilaac
  • Dibiro
  • Yalaalugo (lalabo)
  • Cuntada duxda badan oo kor u qaada
  • Matag uu dhiig ku ladhan yahay
  • Saxarada oo madaw noqota sababtuna tahay dhiig ku dhex jira
  • Miisaanka oo luma

Xanuunkan ayaa lagu ogaadaa siyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin

  • Dhiiga oo la baadho
  • Saxarada oo la baadho
  • Tuumbada  caloosha lagu dhaadhiciyo ( Endoscopy)
  • CT-Scan
  • KlIyo qaar kale

Qodobka ugu muhiimsan baadhitaankan ayaa ah in laga soo qaado cad yar oo muunad ah goobta nabarku yahay si loo ogaado xogtiisa oo dhamays tiran.

Dawooyinka cudurkan ayaa ah mid lagu saleeyo hadba sababta keentey xaaladan. Tusaale ahaan hadii ay tahay bacteria sababta ka dambaysa cilladan waxa waajib noqonaya in loo bilaabo dawooyinkii lagu cidhib tiri lahaa.waxa Iyana muhiim ah in la siiyo bukaanka dawooyinka yareeyo aysiidha caloosha. Qofka waxa laga ma maarmaan ah in lagula taliyo yaraysiga dawooyinka jabiya xumada ama xanuun biiyaha iyo balwadaha oo idil. Waxa dhacda marar badan xaaladan oo la dhayalsadaa inay kalifto qaliin degdeg ah ka dib marka uu bukaanku galo xaalad degdeg ah oo u baahan badbaado dhakhso ah.

Nabaradan ayaa ah qaar intooda badan bogsada waxaa se suurto gal ah inay jiri karaan nabarada qaar ku guul darraysta inay bogsadaan.

Nabaradan waxa ay keeni karaan hadaan wax laga qaban xaalado caafimaad oo marar badan qofka halis noloshiisa gelin kara. Waxa ka mid ah :-

  • Dhiig bax keeni karaya dhiig yaraan
  • Gidaarada caloosha oo dalool ku yimaado isla markaana u nuglaada caabuqyo is daba socda
  • In ay xidhanto wadiiqada cuntadu marayso
  • Kansarka caloosha.

Ma jiro wax rasmi ah oo lagaga hortegi karo cudurkan laakiin waxa aad hoos u dhigi kartaa fursada uu kugu beegsan karo adoo ka taxadaraya bacteria da caloosha iyo inaad u adeegsato dawooyinka sida ugu haboon.

Waxa Diyaarisay: Deeqa Aadan

Email:deeqadahab17@gmail.com