Dhibaatada Cudurka Cagaarshow-ga

Cagaarshowga waa cudur dhibaato weyn ku haya Caafimaadka BulshadaCudurka Cagaarshowga ama jooniska waa cudur dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka ku dhaqan, sidaas darteed sanad kasta 28 July maanta oo kale waxaa loo asteeyay maalinta cagaarshowga Adduunka (World Hepatitis Day) si bulshada loogu wacyi galiyo qatarta iyo ka hortaga cudurkaan halista ah oo sida aamusan dadka u dila (Silent Killer).

Hal-ku-dhigga sanadkaan 2020 waa “Mustaqbalka iyo Ciribtirka Cagaarshow-ga “Hepatitis-free Future”.Cudurka cagaarshowga waxaa sababa feyrusyo kala duwan kuwaasoo keena burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis), feyrusyadaas waxaa ka mid ah: Virus A, B, C oo ah kuwa ugu badan iyo D, E.Cagaarshowga A ( Hepatitis A Virus – HAV).Waa nooca ugu badan sanadkii wuxuu ku dhacaa tiro dhan 1.4 milyan , wuxuu ku badan yahay caruurta, dadka waaweyna wuu ku dhacaa, hab saf mar ah ayuu leeyahay (Outbreak).

Wuxuu ku badan yahay goobaha nadaafadoodu hooseyso dadka badana ay ku nool yihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM.Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacamaha kadib marka la cuno cunto, khudrad, miro oo aan si fiican loo nadiifin iyo marka la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro.Cagaarshowga A (HAV) marka qofka dhiigiiso galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan waxey qaadaneysaa mudo dhan qiyaastii 30 maalmood, xiligaas qofka saxarada ayuu ku gudbinayaa cudurkii ama feyruskii.Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa, wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form).

Cagaarshowga B (Hepatitis B Virus – HBV)Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B (HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan. Cudurkan waxa uu keenaa in qofka uu ku noqodo mid wakhti kooban haya (Acute) ama joogta ah (Chronic). Wuxuu cudurkaan horey ugu soo dhacay qiyaas ahaan 2 bilyan oo qof, waxaa cudurkan la nool ama qabta dad gaaraya 257 milyan (Chronic Infection) waxaana sanadkii u dhimata tiro ku dhow hal milyan.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis (Chronic infection).Cagaarshowga nooca B wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dheecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga qofka fiyow sida:-

Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Perinatal Transmission) xiligaas oo ah kan ugu badan ee raagista yeesha 90%

Dhiig ku shubid (taasoo waayahan yaraatay).

Cirbid lagu duray qof jiran oo qof kale loo isticmaalo.

Qalabka ama Sakiinta Gar-xiirka, madax xiirka oo wadar loo isticmaalo. Wuxuu ku gudbi karaa galmada (Sexual Intercourse).

Wuxu kaloo ku gudbaa qalabka daawo dhaqameedka loo isticmaalo sida:- –

Dalqa goynta, qun goynta, ilka bixinta , gudniinka fircooniga, gudniinka ragga si wadajir ah, dhalma dhaqameedka, sarsarmada, toobinta oo intaba qalabka loo isticmaalayo aan la jeermi dilin.

Cagaarshowga nooca B waxaa halis u ah:- – Bukaanada dhiig dareerka qaba (Hemophilia) oo mar kasta dhiig lagu shubo. – Bukaanada kelyaha ka jiran oo la dhaqo (Renal Dialysis)- Shaqaalaha caafimaadka iyo kuwa sheybaarka- Bukanada HIV qaba oo difaacooda hooseeyo.Waxaa xusid mudan in cagaarshowga B (HBV) uu boqal jeer (100%) ka dhaqsiyo badan yahay HIV xowliga fiditaanka cudurka. Feyruskan cagaarshowga B, todoba maalmood ayuu dibada ku noolaan karaa asagoo waqtigaas ku gudbin kara cudurka. Cagaarshoowga C (Hepatitis C Virus – HCV).Waxaa keena feyruska cagaarshowga C (HCV), tirada aduunka qabta cagaarshowga nooca C-ga waa 71 milyan oo qof; sanad kasta tirada bukaanka cusub uu ku dhaco sanadkiiba waxey gaareysaa 1.75 milyan.

Waxaana sanad kasta u dhimata 400,000 qof.Feyruska cagaarshowga nooca C-ga waxaa la helay ama la ogaaday sanadkii 1989, horay waxaa la dhihi jirey (non-A, non-B hepatitis) oo aan ahayn cagaarshowga noocyada A iyo B, taariikhdaas wixii ka horeeyay, wuxuu aad ugu gudbi jiray dhiiga dadka lagu shubo, asagoo keeni jiray cagaarshowga ka yimaada dhiig ku shubida (Post-transfusion hepatitis).Wuxuu ku gudbaa dhiiga iyo dheecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka fiyow.

Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxay qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180 maalmood). Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo If baxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaana keentay magaca la siiyay oo ah dilaaga aamusan (Silent Killer).Calamooyinka Cudurka Cagaarshowga.Calaamooyinka cudurka waxaa loo qeybiyaa 3 qeybood:-Qeybta Hore :Waa xiliga cagaarkii wali soo if bixin (Pre-icteric Phase): Xiligaas bukaanka wuxuu qabaa calaamooyinka sida

labo-labo, bog xanuun, madax xanuun, matag, cuntada uu qaadan kari waayo, daal badan, xumad, quun xanuun, murqo xanuun, xubno xanuun, shuban yar. Calaamooyinkaas waxay ay jiri karaan muddo dhan 10 ilaa 14 casho.Qeybta labaad: Waa xiliga cagaarka muuqanaayo (Icteric Phase): Xiligan waxa soo muuqanaayo cagaarki indhaha, oogada, kaadida oo gaduud noqota sida shaah rinji ah (Dark Urine), saxarada oo midab cadaata iyo kor cuncun. Xanuun yar oo dhinaca beerka ku aadan iyo qanjiro barar. Calaamadahaan waxay jiri karaan muddo dhan 2 ilaa 3, 4 usbuuc.

Qeybta Sadaxaad: waa xiliga ka bogsashada cudurka (Convalescence Phase): Xiligaan calaamooyinkii cudurka waa yaraanayaan ilaa ay ka baaba’aan sida cagaarka indhaha iyo oogada, bukaanka waa ka soo fiicnaanayaa calaamadihii hore laakiin taas macnaheedu ma ahan in bukaanku ka reystay cudurkii balse beerkii wali waa dhaawacan yahay oo waa bukaa waxeyna qaadaneysaa bogsashadiisa buuxda muddo 2 ilaa iyo 4 bilood ah.

Dabka iyo Cagaarshowga:

Bulashada Soomaaliyeed qaar badan waxay aminsanyihiin in cudurka Cagaarshowga lagu daaweeyo dabka bukaanka la gubo. Hadaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax xariir ah oo ka dhaxeeya ma jiraan. Arintaas si cilmi ah hadaan u fasirno, waa tii horay aan u soo xusney saddexdii qeybood ee calaamooyinka gaar ahaan xiliga cagaarka indhaha iyo oogada ay soo if baxdo inuu jiri karo 2,3 ilaa 4 usbuuc kadibna ay baabi doonaan calaamooyinkaas oo dhan, hadaba waxaa isku soo beegmaya xiliga bukaanka la gubo iyo dhamaadka caadiga ahaa ee calaamooyinka taas ayaana keentay in dadka qaarkiis u qaataan in bukaanka uu dabka ku reestay, taasaana waxay keeneysaa in bukaanku dib u bilaabo socod iyo dhaqdhaqaaqiisii nolol maalmeed midaasoo sii xumeyn doonto xaalada Caafimaad ee Beerka ayadoo bilooyin kadib (6 bilood) uu cudurkii u gudbaayo nooca raagiska yeesha (Chronic Hepatitis). Cawaaqibta Dambe ee Cudurka Cagaarshowga Cudurka cagaarshowga noocyada B (HBV) iyo C (HCV), wuxuu noqon karaa nooca cusub (Acute Hepatitis) iyo nooca raagista yeesha (Chronic Hepatitis).

Cagaarshowga nooca B infekshankiisa cusub (Acute Hepatitis) badanaa waa laga reystaa muddo kadib , waxaana ugu wacan difaaca qofka 90%, halka 10% uu noqdo kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis).25% – 30% wuxuu u gudbayaa nooca beerka adkaada (Liver Cirrhosis) caloosha oo biyo galaan (Ascites) (20% – 25%) wuxuu u gudbaa kansarka beerka ku dhaca ( Liver Cancer – HCC).Cagaarshowga nooca C (HCV) 75% – 80% wuxuu noqdaa kan raagiska yeesha (Chronic Hepatitis). 20% – 25% wuxuu u gudbaa beerka adkaada calooshana biyo galaan (Liver Cirrhosis) iyo kansarka beerka ku dhaca (Liver Cancer – HCC).Ka hortaga Cudurka CagaarshoowgaKa hortagga cudurka cagaarshowga waxaa muhim ah in laga fogaado qaabkii aan soo sheegnay uu cudurka ku gudbo. Ugu horeyn waa in la xoojiyaa nadaafada gacmaha cuntada ka hor iyo markii musqusha la galo, waa in la xoojiyaa nadaafada guriga iyo musqusha, waan in si fiican loo mayraa qudaarta, waa in la ilaaliyaa nadaafada raashinka la cuno. Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha leysku duro, sakiinta garxiirka iyo cadayga ilkaha in aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah qalabka loo isticmaalo ilka bixinta, dalqa goynta, quun-gooynta, gudniinka wiilasha, dhaga durista, uu nadiif yahay lana jeermi dilo taasoo laga helo xarumaha caafimaadka.

Lamaanaha is-guursanaya waa inay iska baaraan feyruska Cagaarshowga nooca B. Ka hortagga ugu muhimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca A (HAV) iyo nooca B (HBV), oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga qofku haleelo wuxuuna siinayaa awood difaac oo joogto noqota.WHO waxay xoogga saareysaa ka hortaga cagaarshowga nooca B (HBV) ee hooyadu u gudbiso dhallaanka, iyadoo la adeegsanayo tallaalka xilliga ilmaha dhalanaayo.Sidoo kale Tallaalka Cagaarshowga B ee (HBV) 95-98% ayuu ka hortagaa in cudurkii u gudbo ama yeesho raagis (Chronic Hepatitis) ama u gudbo Beerka oo adkaada biyana galaan (Liver Cirrhosis) ama u beddelmo kansarka bani’aadamka khatarta ku ah ee beerka ku dhaca (Liver Cancer).Tallaalkaan nooca B ee (HBV) waxaa la soo saaray 1982 helitaankiisa waddamada soo koraaya waa ka wanaagsan yahay waqtiyadii hore, waxaana loo qaataa marka hore bil kadib 6 bil kadib (0, 1, 6), Ururka caafimaadka adduunka wuxuu ku daray oo laga mid dhigay tallaalada joogtada ah ee caruurta la siiyo (EPI) isagoo la raacsiiyey tallaalka DTP looguna magac daray Pentavalent kaasoo waddaankeena soomaaliya maanta laga heli karo.

Talo-siinta qofka qaba cudurka Cagaarshowga Bukaanka qaba cudurka cagaarshowga.

Waxaan kula talinayaa marka uu cudurka isku arko ama iskaga shakiyo in durbadiiba uu la xiriiro dhaqtar, isla markaasna qaato talada iyo daawada uu siiyo dhaqtarka.Ugu horeyntii waxaa la farayaaa:1-Nasasho dheer oo sariirta korkeeda uu ku nasto, wax shaqo ahna uu ka fogaado muddo dhan ugu yaraan 3 ilaa 4 usbuuc.2-Raashinka: Qofku haduu afka wax ka qaadan karo waa in uu badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu helo tamar badan (energy). Dabcan arrimahaas aan soo sheegnay waa ka reebban yihiin qofka kaadi-macaanka qaba.3-Waa inuu aad u yaraystaa cunista subagga iyo cuntada shiilan. Brotiinka qiyaas ayuu u qaadan karaa. Waa inuu ka fogaado bukaanku cabidda khamriga, sigaarka iyo cunidda daawo aan dhaqtar u qorin.Ugu dambeyntii waxaan ku soo gunaanadayaa in bulashadeena Soomaaliyeed ay xoojiyaan ka hortagga cudurrada faafa iyagoo kordhinaaya wacyigooda caafimaad si loo helo bulsho caafimaad qabta. Waxaana hubaal ah in ka hortagga cudurrada ka wanaagsan yahay daaweynta.

Waxaa Diyaariyey:Prof/Dr. Osman Mohamud (Dufle)