DAWLAHADAHA IYO DANAHA ISDIIDAN.(Qormo xiiso leh)

Galab Jimce ah oo ay Bisha Oktoobar dhamaad tahay ayaa waxaa iga codsaday in uu shaah ila cabo mid ka mid safiirada dalalka reer Yurub. Goobtu waa Kempinski hoteel ee Jabuuti sanadkuna Waa 2009. Waxaa meesha ka socda wadahaladii u dhexeeyey Dawladii KMG ahayd ee uu hogaaminayey
Madaxweyne C/laahi Yusuf (AUN) iyo Isbahaysigii dib u xoraynta ee Sheikh Shariif hogaamiyaha ka ahaa. Waxaa Shirka wadahadalka ku soo fool leh maalmo ka dib Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Wuxuu Ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsanaa, ahaana madaxa dhexdhexaadiyaha wadahadalka Axmad Walad Cabdalla nagu wargeliyey in qolo waliba goonideed u la kulmayso Golaha Ammaanka. Safiirku oo aan aad sheeko wadaag u ahayn wuxuu daba socday kulanka aan Golaha la yeelan doono. Waxaa Golaha hogaaminayey safiirka dalkiisa u fadhiya Golaha Ammaanka, wuxuu doonayey in uu wax ka ogaado waxa aan Golaha la hortegi doono, wuxuu kaloo rabay in uu talo ugu biiriyo, maadaama aan ahaa madaxii wadahadalka Isbahaysiga.
Wuxuu si toos ii waydiiyey waxa aan doonayno in aan Golaha la hortagno, si kooban ayaa ugu dulmaray waxa aan doonayno oo intooda badan wadahadalka la xariiray. Sida in ciidanka Itoobiya dalka laga saaro, in ciidan wadamada Islaamka ka socda la keeno, in Soomaalida talada loo madax baneeyo, in la baaro tacadigii dadka Soomaaliyeed loo geystay, in Isbahaysiga saami xoogan laga siiyo talada dalka iyo kuwo kale. Wuxuu iigu jawaabay waa qodobo muhiim ah, laakiin Goluhu uma iman Jabuuti in uu wadahadal idinla galo. Wadahadalka waxaa wada Walad Cabdallah iyo Safiirada kale ee Goobta Jooga ee aan talo ku siiyo. Waxaan ku iri soo daa. Wuxuu yiri dhagayso Abdi, Waa markii ugu horaysay ee urur hubaysan fursad loo siiyo in uu Golaha ka hor hadlo. Golaha Dawlado uun baa ka hadla.  Marna ha isku deyin in aad Golaha la gorgortan taan ” don’t ever try to negotiate with the Council” . Isagoo hadalkisii wata ayuu wuxuu yiri, Goluhu uma iman Jabuuti gorgortan wadahadal ee wuxuu u yimid in uu dardar geliyo hawlaha dib u heshiisiinta labada dhinac, laakiin waxaa taa ula jira in la aqriyo, lanna fahmo Isbahaysigga. Ma yahay mid Soomaaliya hogaamin kara, maxay tahay aragtidiina siyaasadeed, sidee u aragtaan deriska iyo macaamalka aduunka. Waxaa la idinka rabaa waa aragti siyaasadeed ee maaha gorgortan siyaasadeed.
Waxay ahayd talo wax ku ool ah wax wayna ka tartay khudbadii uu hogaamiyaha Isbahaysiga halkaan ka jeediyey iyo doodii su’aalaha iyo jawaabaha wadatay ee khudbada daba socotay.
Waxaan sheekadan ku keenay xiriirka diblomaasiga waxaa ugu horeeya in lagu aqriyo, fahmo la ogaado itijaahaaga iyo aragtidaada siyaasadeed halka aad ku socoto, wixii hortaa socday waxa aad ka aaminsan tahay. Weliba wuxuu arrinkani gaar ku yahay Madaxweynaha iyo inta la shaqaysa ee uu kalsoonida ku qabo ee uu talo wadaaga la yahay. Kama hadlayo xukuumada xili walba la bedelayo.

Waxay u baahan yihiin in ay la yimaadaan dhagaysi macno leh  iyo su’aalo wax ku ool ah  (active listening and effective questioning),  iska ilaaliyaan laab la kac iyo caadifad. Ma jirto cid aan gacal iyo xigto nahay, diblomaasiyad dan jirasho ayaa sal u ah. Mana aha sidaa aad adiga wax u aragto ama aad u qorshatay oo keli ah, waxaad u baahan tahay in aad dhinaca kale dhagaysato, raadiso meel la isugu imaan karo, iska jirto danaha isburinaya ee dawladaha tartamaya.

Waxaa la arkaa in heshiis aad dan u aragto oo dal la gashay ay dawlad kale dhib u aragto. Waxaa laga yaabaa faa’iidada aad ka helayso heshiis aad dawlad A la gashay ka badan yahay khasaaraha kaaga imaanaya dawlada B oo diidan heshiiska dawlad A. Diblomaasiyadu ma aha in aad maslaxad xaqiijiso oo keli ah ee waa in aad halistana iska awdi kartaa.
Dalkeenu weli ma yeelan hay’ado xoogan oo jaangooya, ilaaliya, meelmariya danaha Amni Qaran ee dalkeena,  kuwaasoo ka madaxbanaan isbedelka hogaanka siyaasadeed. 

Hogaanka markaa jira ayaa laga rabaa in uu  danta qaranka jaangooyo oo uu jiriyo, dhowro sumcadda dhisana kalsooni lagu aamini karo, la yimaado faham buuxa oo dheeli tiran , aragti cad oo dhamaystiran iyo go’aan qaadasho aan labac labac lahayn, miisaami karo danaha is diidan, iskuna dheeli tiro dawladaha tartanka ka dhexeeyo. Si kooban waa in uu Bisad iyo Jiir hal jeeb ku wada hayn karo. Odayga  Gobolka haloo xeraysto isaga Maraykan, Shiine, Jarmal, Jabaan, Sucuudi, Masaari, Itoobiya, Qatar iyo Imaaraad meel kuwada haya.

W/Q.Abdirahman Abdishakur Warsame