Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay gaari ay la socdeen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab oo marayay deegaan ka mid ah gobolka Mudug.

Sida ay sheegayaan dadka ku nool deegaanka Qeycad illaa toban ka mid ah dagaalamayasha Alshabaab ayaa ku geeriyooday qaraxan halka 7 kalana uu dhaawacyo qaarkood aad u culusyihiin uu soo gaaray.

Qaraxan oo ahaa mid culus ayaa loo malaynaya inuu ahaa mid ay Alshabaab ugu talogaleen in ay ku qarxiyan gaadiidka ciidamada dowlada ha yeeshee uu haleelay gaariga ay saarnaayeen.

Deegaanada ku yaal Koofurta Mudug ayaa waxaa hore dagaalo ugu dhex mareen ciidamada dowlada iyo kuwa Alshabaab.

Goobsan Media Inc.