Maxaad ka taqaanaa Sooyaalka Xildhibaanka Eedaysan

Sida ku xusan Xaashida summadeedu tahay REF/H/L/F/2021, ku taariikheysan 7-September-21, ka soo baxday Xafiiska Qaareenada Heegan ee Muqdisho laga diiwaangeliyey Xafiiska Xeer illaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidanka Qalabka Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin) waxa uu ku eedeysan yahay afduubka, dilka iyo Qarinta Meydka Ikraan Tahliil, haddaba eedaha la xariira dacwadaha ciqaabta ah sidee u saameyn karaan Nolosha siyaasadeed ee Fahad?

Qoyska Ikran Tahliil ayaa rumaysan in dilka gabadhood uu ka danbeeyay Fahad yasin Xaaji Dahir oo ahaa Taliyihii Hay’adda nabad sugida Qaranka NISA.

inkastoo ay jiraan eedo intaas ka badan oo loo haysto  Fahad Yasin hadana culayska ugu badan wuxuu kaga imanayaa qoyska Ikran oo sheegay inaysan marnaba ka hari doonin cadaalada u raadinta gabadhooda ku maqan gacanta NISA

Fahad Yasin xaaji Dahir oo horay u ahaa Saxafi ka soo shaqeeyay Warbaahinta Al-Jazeera ayaa sanadihii u danbeeyay ahaa siyaasiga ugu awooda badan dowlada federaalka ah isagoo xiriir toos ah la leh madaxweyne Farmaajo.

Lama oga sida uu uga gaashaaman doono kiiska dacwada qoyska Ikran tahliil ay ku soo oogeen ha yeeshee hada waxaa loo magacaabay Xildhibaan inkastoo buuq badani ka taagan yahay kursiga uu hada ku fadhiyo.

Jabril yahye Isse                                                                                                Goobsan Media