Afarta nin ee ugu awooda badan hogaanka kooxda Al-Shabaab

Sida laga soo xigtay dawladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay, Al-Shabaab ayaa
u dalacdey laanta ugu weyn uguna qanisan shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacidda.
Al-Shabaab oo tababartey boqolaal dagaalameyaal ah ayaa sanad walba dakhli ahaan u hela in ka badan 100 milyan
oo doolar “iyagoo adeegsanaya dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo sharci darro ah”.
Maleyshiyaadka oo gulufkii ugu xoogganaa uu haatan ku socda ayaa, sidda laga soo xigtey majaladda Long War
Journal, waxaa ugu sareeya oo go’aanada muhiimka ah gaara afartan horjooge.
Abuu Cubeyda Axmad Cumar
Xilli sidoo kale loo yaqaan Axmed Diiriye, Abuu Cubeyda waa Amiirka guud ee Al-Shabaab xilkaas uu qabtay kadib
geeridii Mukhtaar Abuu Zubeyr bishii Sebtembar 2014-kii.
Kahor inta aan loo magacaabin amiirka guud, Abu Cubeydah wuxuu madax ka ahaa wax u muuqda wasaaradda
arrimaha gudaha Al-Shabaab, amiirka al-Qaacida ee gobolka, iyo xubin sarre oo Al-Qaacida ah.
Abuukar Cali Aadan
Abuukar Cali Aadan ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid yahay ku xigeennada guud ee Amiirka Al-Shabaab.
Waajibaadkiisa waxaa kamid ah isku-dubaridka qorsheyaasha militari iyo amniga isagoo ka wakiil ah Abuu
Cubeyda.

Magacyadiisa afgarashada waxaa kamid ah Ibraahim Afgan (ma ahan horjoogihii la dilay). Xogaha qaar waxay
xusayaan in uu yahay qofka koowaad ee ugu dhow Abuu Cubeyda.
Mahad Karate
Mahad Karate waa sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab, wuxuuna ku fadhiyaa golaha ugu weyn ee hoggaanka. Karate
ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu ka mid yahay ku xigeenada guud ee amiirada kooxda.
Sidda ay aaminsan tahay dowladda Mareykanka, Karatee waxa uu sidoo kale awood u leeyahay in uu maamulo
Amniyaadka (ama garabka amniga gudaha ee Shabaab) iyo waaxdeeda maaliyadda.
Karate ayaa loo aqoonsadey maskaxdii isku dubariday qorsheynta weerarkii lagu hoobtay ee 2015-kii lagu qaaday
kulliyad ku taal magaalada Gaarisa ee dalka Kenya, kaasoo lagu dilay ku dhawaad 150 qof.
Jehad Serwan Mostafa
Jehad Serwan Mostafa, oo sidoo kale loo yaqaan Anwar al-Amriiki iyo Emir Anwar, waa muwaadin Mareykan ah iyo
hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo la rumeysan yahay hadda inuu mas’uul ka yahay qorsheynta hawlgalka,
waxaana loo badinayaa inuu yahay hogaamiye ka tirsan garabka qaraxyada.
“Waagii hore wuxuu sidoo kale gacan ka geystay isku-dubbaridka tababarrada, hawlgallada warbaahinta, iyo qorida
dagaalameyaasha ajaanibka ah,” ayay warbixinta sii raacisay.
Mostafa ayaa lagu waramay inuu ahaa wakiilka gaarka ah ee gudaha Soomaaliya u joogay hogaamiyihii Al-Qaacida,
Ayman Al-Zawahiri kaasoo ciidanka Mareykanka ay howlgal ay ka fuliyeen magaalada Kabul.

SOURCE: GAROWE ONLINE