KHEYRE TAG EELSE REEB.!! (FAALO)

Si kastoo la isugu dayay in wax looga bedelo dhaqan siyaasadeedka Soomaaliya soo ragaadiyay ee muddada dheer la iska soo dhaxlayay, misna waxaa muuqata in dhaqamadaas laga maarmi waayay oo ugu dambeyn waxey noqdeen wax kastoo dhacay sidoodii hore, sida Baarlamaan mooshin wada, Madaxweyne iyo Reysalwasaare kala taga, khilaaf siyaasadeed abuurma xiliga doorashada iyo beesha Caalamka oo ku fal celisa cambaareyn,

•Madaxweyne Farmaajo oo madaxdii kaga horeysay kursiga ku dhaliili jiray iney wada shaqeyn waayeen iyaga Reysalwasaareyaashii ay soo xusheen oo uu isaguba ka mid ahaa (Kampala Accord)-na ku baxay, ayaa maanta ka mid noqday liiska saaxiibadiisii hore, islamarkaana maray wadadoodii.

•Baarlamaankan oo la filayay inuu ka qaangaaray dhaqamadii hore ayaa isaguna mudadiisa miiska soo saaray 2 Mooshin oo xilalkii looga kala qaaday Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo Reysalwasaarihii hore ee xukuumadda, sidoo kalena waxaa la rumeysan yahay in Baarlamaanka oo kaashanaya Madaxweynaha ay meesha ka saareen shaqadii Aqalka Sare, oo haatan Gudoomiyahoodii dibad wareeg yahay.

•Mr Kheyre oo isna runtii ka nasiib iyo hoodo badnaa Reysal Wasaareyaashii xilka kaga horreeyay, marka laga fiiriyo mudada 3 sano iyo barka ah ee uu xilka hayay iyo awoodaha dheeriga ah ee uu isticmaalayay oo ah labo fursadood oo aaney helin saaxiibadii kursiga kaga horeeyay, ayaa isagana xil-ka-qaadistiisii kedisada aheyd waxey dibada u soo saartay in isaga iyo Madaxweynehiisu ay khilaaf ku kala tageen, sidaana wuxuu uga mid noqday liiska Reysal wasaarayaashii khilaafka kaga baxay xeyndaabka Dowlada.

– Dhanka kale, inkastoo MD Farmaajo iyo Ex RW Kheyre ay in mudo ah khilaaf kooda hoos u qarsanayeen, haddana waxaa la rumeysan yahay in shirkii Dhuusamareeb uu ahaa midka wax kastoo jiray dibada u soo saaray. Maadaama uu madaxweynuhu Dhuusamareeb ugu tegay qorshe halis ku ah oo ay RW kheyre iyo Madaxweyne Goboleedyadu isla diyaariyeen, kaas oo ahaa in marka ugu horeysa meesha laga saaro Baarlamaanka waqtigiisu sii dhamaanayo.

Qorshuhuna waxa uu ahaa marka uu dhamaado shirka Dhuusamareeb in Madaxweyne Goboleedyadu ay qaab wada tashi ah ugu yeertaan xubnaha maamul goboleed-yadooda ku matala Baarlamaanka iyo Aqalka sare, si marka ay u kala ambabaxaan deegaannada laga soo doortay loo kala mashquuliyo iyaga iyo Madaxweyne Farmaajo, waqtigana sidaas looga dhameeyo. Marka la gaaro balanta kulanka 2 aad ee 15ka August loo madlan yahay Dhuusamareebna leysugu tago iyadoo MD Farmaajo aaney xarigiisa xoolo ku jirin, dabadeedna miiska loo soo saaro in doorashadu noqoto mid dadban oo ay maamulaan Odayaasha dhaqanku, islamarkaana Baarlamaanka waqtigiisu sii dhamaanayo sidaa lagu kala diro.

Balse Madaxweyne Farmaajo oo arrinkaas u gows qaniinay ayaa soo xiristii shirkii Dhuusamareeb carabka ku dhuftay in Baarlamaanka leyskula tegi doono, markuu soo laabtayna wuxuu Gudoonka baarlamaanka dhegaha ugu shubay shirqoolka loo maleegay, isaga oo ka dalbaday in ugu horeyn meesha laga saaro Saaxiibkiis Kheyre, si uu u kala dhantaalo awoodda siyaasadeed ee loo diyaariyay, waxeyna shaxda Dhuusamareeb isku doon wada saartay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo qorshahoodu yahay in aaney gacantooda ka bixin doorashada la filayo 2021-ka iney dalka ka dhacdo, iyo in la helo waqti dheeriya oo howlahaas lagu maareeyo maadaama lagu eedeeyay Xukuumadda la kala diray iney ka gaabisay qabashada doorasho Qof iyo Cod ah oo waqtigeeda ku dhacda. Waxeyna labadooduba waa Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxtooyadee weli ku adkeysanayaan iney waqtigeeda ku dhici doonto doorasho QOF iyo COD ah.

Inkastoo ay arrinkaas shaki weyn ka muujinayaan siyaasiyiinta mucaaradka ah, Reysal Wasaarihii hore, Maamul Goboleedyada, iyo dadka rogroga Siyaasadda Soomaaliya, hadana Ciyaar Siyaasadeedka Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoonka Baarlamaanku ay dhowaan soo bandhigeen kuma ekaan xil ka qaadista RW Kheyre ee waxaa wax ka bedel degdeg ah lagu sameeyay shaqaalihii Xaafiiska Reysal wasaarihii hore qaarkood, waxaana shaqadoodii dardar geliyay Golihii la kala diray ee Wasiirada, oo markaan iyagoo KMG ah durba ansixin iyo magacaabis ku sameeyay todobaadkan sharciyo iyo heshiisyo mudo dheer miiskooda yaalay, sida -Heshiiska ka faa’ideysiga kheyraadka dalka, Heshiisyada Turkiga iyo Geeska Africa iyo Ansixinta Golayaal Garsoor oo sida la rumeysan yahay salka ku haya dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, si ay u xukmiso go’aanada hey’addaha dowlada iyo murannada siyaasadeed ee dalka, taas oo sababta keentay in xilligan la dhiso ay dhalisay shaki ah in qorshe kale laga leeyahay, hadana hadiiba la dhiso waa tilaabo wanaagsan oo ay ku dhiirran waayeen dhamaan Madaxda dowladihii hore ee dalka soo maray. Waxeyna u muuqataa in meel marinta qodobadaan uu in mudo ah hortaagnaa kuna fadhiyay Mr. Kheyre.

Markase indho fog lagu eego xaalada Siyaasadeed ee dalka, waxaa hareeraha Madaxtooyada ka muuqda walaac laga qabo sida ay wax u socdaan…

LA Soco Qaybta Labaad ee faalladan oo aan ku eegi doono qodobada kala ah:-

– Maxkamad Sare oo Destuuriya oo ay suurtagal tahay in lagu dhiso doorashada ka hor…
– Maxaa horyaala Reysalwasaaraha cusub ee la filayo…
– Maxaa la filan karaa mucaaradka iyo Madaxda M/Goboleedyada marka la gaaro.
– Waa maxeyse doorka beesha Caalamka waqtigaan oo kale uga banaan Siyaasadda Soomaaliya…….

Maxaa yaab isdabayaal.!!

W/Q:- Abdulkadir Dulyar