Lama mahdin Hogaamintii Madaxweyne Farmaajo.

Mudane Madaxweyne, maanta oo kale labo Sano ka hor waxay xildhibaanada Baarlamaanka, oo matalaya codka umada Soomaaliyeed ku siiyeed kalsoonida aad maanta haysato ee Madaxweynenimo, xiligaas inta badan gobolada dalka waxaa ka dhacay dibad baxyo farxad wata oo lagu soo dhoweynayo is beddelka dimuqraadiyadeed iyo midka xukunka ee dalka ka dhacay, waxaana shaqsiyan laguu arkayay inaad tahay mid umada dhibaatada ragaadisay ka saari doona.

Wixii intaa ka danbeeyay tilaabo kasta oo aad horay u qaaado waxaa ka dhalanayay natiijo fool xun, raad aan wanaagsanayna reebta, 

Sanadkii Koowaad ee aad xukunka dalka aad la wareegtay waxaad ku kacday fal ay umada soomaaliyeed oo dhan ka anfariirtay kana carootay, taageerayaal badana aad ku waysay, kaasoo ahaa dhiibistii Muwaadin Soomaaliyeed oo horay uga tirsanaa Ciidamadii xooga dalka, hadana ka mid ka ahaa ururka gobonimo doonka ee ONLF, Waa Cabdi Kariin Shiikh Muuse (Qalbi-dhagax) oo maalin cad inta maro madaxa looga duubay, ciidamada itoobiya loo gacan geliyay.

dhanka kale, Madaxweyne waad la socotaa xaaladu dalka maanta meesha uu marayo labo sano kadib, Maamul Gobolledyada iyo dowlada dhexe xiriirkoodii meeshii ugu xumayd gaaray, xildhibaanada Baarlamaanka ee adiga ku soo doortayna intooda badan kalsooni buuxda kuuma hayaan oo waad ogtahay in mooshin lagaa gudbiyay uu mudo hor yaalay, Sidoo kale qilaaf xoogana idin dhex maray gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh.

Xaalada amaan ee dalka waa mid faraha  ka sii baxday tan iyo intii aad dalka maamulkiisa la wareegtay, Qaraxyo, dilal iyo weeraro toos ah ayay Al-shabab ka geystaan goob kasta oo ay ku tuhmayaan in ay dhibaato ka dhalanayso, haba ugu darnaadee Qaraxii 14-ka October oo ay ku Naf waayeen dad ku dhaw Kun qofood, tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Waxaa  dhagxaan lagu jaray Dhamaan Jidadka muhiimka ahaa oo ay ku yaaleen Isbitaalada, Iskuulada & Jaamadacadaha, Sidaas oo ay tahayna qaraxii weli waa socdaa oo maalin kasta waxaa la xasuuqaa dad shacab ah, oo aan waxba galabsan.

Mudane Madaxweyne, Inta la xasuusto dhowr jeer ayaad iclaamisay guluf colaadeed oo ka dhan ah Al-shabaab, weliba adigoo xiran tuutihii ciidamada, ha yeeshee wuxuu noqday mid afka baarkiisa ku ekaa, taas badalkeedana Ciidamada Qalabka sida waxay dib uga soo baxeen goobo badan oo horay gacanta dowlada ugu jiray, Al-shabab ayaana dib u qabsaday.

Dhanka kale waxaad xilalkii ugu sareeray ee dalka u magacowday dad aan xirfad iyo aqoon midna u lahayn, balse  taas badalkeeda adiga daacad kuu ah oo had iyo jeer fagaarayaasha iyo warbaahinta kaa amaana, sacab, mashxarad iyo guulwadayna kula daba taagan, taasi waxay sababtay in habacsanaan baahsan ku timaado hay’adihii dowlada, oo awalba soo kabasho ku jiray.

Waxaad weerar siyaasadeed ku qaaday Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaare oo aad muruq iyo maalba isugu geysay sidii aad kursiga uga ridi lahayd, aaqirkiina kuu hirgashay, 

Waxaad xasarad siyaasadeed ka dhax abuurtay maamul gobolledka Gal-mudug oo awalba curdun ahaa, waxaad sidoo kale dhiig ku daadisay doorashadii Koonfur Galbeed, oo ku dhawaad 30 qofood oo caruur  iyo dumar u badan ay ku geeriyoodeen, Ujeedaduna waxay ahayd in dadka deegaankaas aad ka hor istaakto inay  ay doortaan shaqsi ay u arkeen inuu samata bixin karo reer KGS, taas badalkeedana aad madaxweyne maqaar saar ah u magacowday.

Mudane Madaxweyne, maanta dalka kama jirto Xoriyada hadalka, Siyaasiga kaa aragti duwan waxaad u taqaanaa  Qaran dumis, daba dhilif & mid xanaaqsan, Qaarkood horaad u  weerartay, halka qaar kalana ay bartilmaameed kuu yihiin, waxaad dhaqaale ku bixisaa sidii baraha bulshada iyo warbaahinta looga aflagaadeyn lahaa.

Ugu danbayn Madaxweyne, hadii aan ku siiyo talo kooban oo aysan ku siin saaxiibadaada siyaasada, Mudane dalku wuxuu ku jiraa xaalad halis oo dhinac walba leh, si loo helo isbeddel fadlan is Casil oo u tanaasul, Hooyada xaamilada ah, Caruurta & Duqowda iyo Bukaanada xanuunsan ee jidadka ka xiranyihiin,                                              Mahadsanid.

Cheif Editor Goobsan Media Inc.                                                                               Jabril Yahye Isse