C/raxmaan C/Shakur “go’aanki Xariirka loogu jaray dalka Gunea soo boodo ayuu ahaa”

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay dowlada dhexe ee Soomaaliya in ay ku deg degtay Go’aankii ay xiriirka ugu jartay Dalka Gini .

Waxaa uu sheegay in uu ahaa Mid aan marin heerarkii lagu tala galay diblomaasiyadda, islamarkaana uu soo boodo ahaa.

Qoraal uu kusoo qortay Bartiisa Facebook ayaa siddan u qornaa:

Go’aanka Xukuumadda Federaalka ahi xiriirka ugu goysay Dalka Gini oo aan weligii Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed la yeelan waxaa ka muuqda fudayd iyo qaangaar la’aan diblomaasiyadeed. Dawlado ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya & Jabuuti ayaa habmaamuus iyo soo dhoweyn maqaam sare leh horey ugu qaabilay madaxda Somaliland, xukuumadduna kama falcelin, xiriirna uma jarin. Haddaba go’aanka ay Xukuumadda Federaalka qaadatay waxaa ka muuqata;

1- Marba meel dhac aan lahayn mowqif mid ah oo sugan, maadaama falalkii diblomaasiyadeed ee kuwan la midka ahaa oo horey u dhacay laga aamusay, kana halkii ugu danbeysay looga falceliyey.

2-Go’aanku wuxuu sawir ka bixinayaa fududeyka iyo qaangaar la’aanta diblomaasiyadeed ee hoggaanka sare ee dowladda, sababtoo ah falceliska diblomaasiga ahi wuxuu leeyahay habraac marxaladaysan iyo curfi diblomaasi ah oo la maro. Xiriir jariddu waa tilaabta ugu danbeysa ee ma ahan tan laga bilaabo.

3- Go’aanku wuxuu kala durjinayaa isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna fursad siinayaa inta ku hawlan kala fogeynta labada dhinac iyo in waddada wadahadalka xiranto.