Maxaa Sababay in kooxda Ahlu-suna looga adkaan waayay dagaalka Guriceel (Warbixin)

Dagaal qaraar ayaa maalintii saddexaad ka socda magaalada Guriceel, iyadoo ay isugu tageen ciidamada kala duwan ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Galmudug.

Dagaalka oo qasaare badan dhaliyey ayaa waxa lagu dilay askar iyo saraakiil ku dhow 100, waxaana intaas ka badan dhaawacyada oo la kala geeyay degaanada ku dhow Guriceel, Dhuusamareeb, Muqdisho iyo Gaalkacyo.

Qorshaha dagaalka ee Galmudug iyo dowladda Federaalka ayaa la sheegay inuu ahaa in maalin iyo ugu badnaan 2 maalmood lagu soo afjaro Ahlu Suna iyo dagaalka Guriceel, laakiin waxaa muuqata in qorshahaasi shaqeyn waayey, taasoo keenay in ciidamo hor leh laga diro Muqdisho.

Saddexda qodob ee keentay in Ahlu suna laga saari waayo Guriceel, isla markaana ay ciidamada faraha badan ee dowladda riijin waayaan ayaa waxaa ka mida:

JOOGISTA SHEEKH SHAAKIR

Waxaa aagga dagaalka ugu adag ka socdo ee Jaamacadda la sheegay inuu ku jiro Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah hoggaamiyaha Ahlu-suna, taasoo xaaladda ka dhigtay mid adag, kuna qasbeysa Xerta Sheekha inay mintidaan, kuna dhintaan dagaalka si ay Sheekha u difaacaan.

TAAKULEYNTA JOOGTADA AH

Waxaa la xaqiijiyey in Ahlu Suna ay taakulo ciidamo iyo hub ah ay si joogto ah uga helayaan degaanada ay ku xoogan yihiin ee Gobolka Galgaduud, taasoo siisay awood dheeraad ah, markastoo ay culeys wajahaan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa ku fashilmay inay saanadda iyo taakulada ka jaraan kooxda Ahlu suna, dadaal kasta oo ay ku bixiyeen.

AQOONTA DEGAANKA IYO TAAGEERADA DADKA

Arrinta kale ee keentay in Ahlu Suna si degdega looga saari waayey magaalada Guriceel ayaa ah in Ahlu suna ay taageerada ugu weyn ku leedahay Guriceel oo lagu tilmaamo degaanada ay sida weyn ugu tashadaan.

Sidoo kale dagaalamayaasha Ahlu Suna waxay aqoon weyn u leeyihiin degaanka iyo magaalada ay ku dagaalamayaan oo ku noolaayeen ama muddo badan ku dagaalamayeen, taasoo ka duwan ciidamada dowladda ee dibadda laga keenay.

Qasaaraha uu dhaliyey dagaalka iyo heerka la isla gaaray wuxuu meesha ka saarayaa heshiis laga gaari karo colaadda Guriceel, waxayna u badan tahay in la isku riiqan doono oo labada dhinacba aysan heysan meel kale oo ay uga baxsadaan dagaal gacmaha la isula tago.

Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc
Contact us: info@goobsan.com