AKHRISO;- QORMO CAJIIB AH MAXAA LOO WAAYAY QARAN SOOMAALIYEED IN KA BADAN RUBUC QARNI?

Soomaliya oo ah dal ku yaal geeska bari qaarada Afrika wuxuu gaar u leeyahay waxyaabo
badan oon dunida inteeda kale lahayn; waa dal dadkiisu ku hadlaan hal luqad,
aaminsanyihiin hal diin, heystaan hal dhaqan, ka soo jeedaan hal qoomiyad laakiin aan
lahayn hal Qaran oo ay ku mideysanyihiin hadaba sababtu waa maxay? si aan u helno jawaab naqancisa waxaan u baahanahay inaan wax yar taariikhda dib ugu laabano si aan u
fahamno xogo muhiim ah.
Saan wada ogsoonahay Taariikhdu markey ahayd 1884tii waxaa magaalada Baarlin dalka
Jarmalka wadamada reer galbeedka ugu awooda badnaayi ku qeybsadeen shucuubta
qaaradda Afrika ayadoo wadan kasta la siinayay wadan kuyaal qaardda Afrika tusaale
ahaan; Suudaan waxaa la siiyey Ingiriis, Liibiya Talyaani, Maali Faransiis.. marki xaaladdu
soo gaartay Soomalia dhamaan gumeystayaashu waxay isku mariwaayeen cidda la siinayo
maadaama gumeyste kastaahu naftiisa u rabay waxayna ugu danbayn ku heshiiyeen in
dhulka Soomaaliya loo qeybiyo sedax qeyb loona qeybiyo sedaxda wadan ee ugu muruqa
wayn inta meesha fadhisa oo kala ah; Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska waxayna u
qaybsadeen British Somaliland (waqooyiga) Italian Somaliand (koofurta ) iyo (France
Somaliland) oo ah Djibouti.
Muhiimadda Somalia loo qaybsaday ayaa ahayd istiraatiiji ahaan meesha ay ku taal
madaama ay leedahay xeeb aad u dheer lehna Dekado muhiim u ah in wax laga dhoofiyo
lagana samey karo saldhigya milateri maadaama loo bira tumanayay dagaadali waawaynaa
ee aduunka soo maray.
Laga soo bilaabo xiligaas ilaa maana Soomaaliya waxay dhibane u tahay faraglin
shisheeye iyo danaha isdiidan ee mar walba quwadaha ugu waawayn dunida ka dhexeeya.
Hadaba Aqriste, anoo ka duulaya taarikhda wadanku soo maray iyo aragtida dad badan oo
soomaaliyeed oo waxgarad ah lehna aqoon diimeed iyo mid siyaasadeed waxaan kuu soo
gudbinayaa 4ta qodob ee ugu muhiimsan waxa salka u ah xasilooni darrada siyaasadeed ee
soomaalya ragaadisay mudada rubuc qarniga ku dhow.
1. Danaha Isdiidan iyo faragelinta dowladaha Shisheeye
Soomaaliya waxay weligeed dhibane u ahayd danaha dowlado ka awood badan kana
dhaqaala badan waxayna hadda wajeheysaa loolan siyaasadeed kii ugu adkaa oo afar
geesood ah waxayna kala yihiin;
Xulufadda reer galbeedka ee mareykanka iyo ingiriisku hugaamiyaan oo meel ah

Dowladda Turkiga oo mar dhow ku soo biirtay loolanka siyaasadeed ee Soomaaliya
– Dowlahadaha khaliijka Carabta (GCC) oo Soomalia kula xifaaltamaya Dowladda
Turkiga
– Loolan siyaasadeed cusub oo mardhaw ay bilaawday dowladda Ethopia oo
kaashanaysa dowladaha gobolka sida Eriteria.

2. Qabyaaladda oo Ummadda Soomaaliyeed kala wayn Qaranimada
Qabyaalddu waa sheyga ugu way ee qaybiya ummada Soomaaliyeed waxaana
wadanku soo maray Ilaa haddana meel sare maraya dagaaladda sokeeye ee u
dhexeeya beelaha Soomaaliyeed ayagoo isku haaya arima hoose oo ka dhexeeya sida;
dhul daaqsimeed, ceelbiyoodyo ama maamul siyaasadeed aan macna wayn ku
dhisnayn iyo wax la mid ah waxgardka Soomaaliyeed ayaa ku tilmaama Soomaliaya
inay tahay “UMMAD LA HAYSTO OO ISHAYSTA”
3. Siyaasadda Soomallia oo ku dhisan danaysi siyaasi
Maadaama siyaasada Somlia lahayn sal fadhiya waxay noqotay meel siyaasiyiintu ugu
hardamaan danahooda khaaska ah sida inay helaan xilal siyaasadeed si ay ugu fududaato
la macaamilka wadamada danaha siyaasadeed ka leh Soomaaliya sidoo kale inay helaan
hanti badan oo ay gurya uga dhistaan wadamada ay deganyihin kana haystaan Jinsiyaddaha
4. Aqoonyahanki oo dalka ka haajiray inta badan
Dalka waxaa laf dhabar u ah dadkiisa wax bartay sida Culimadda, Siyaasiyiinta,
Injineeradda, dhaqaatiirta iyo odayaasha dhaqanka inta badan dadkaasi waxay ku noolyihiin
wadamo shisheeye ayakoo ka cararay dagaalada sokeeye ee wadanka ka jiray waayadi u
danbaysay haday joogi lahaayeen wadanka waxay ka qayb qaadan lahaaeen wax badan oo
talo iyo tusaale ah oo laga yaabo in dalka lagu badbaadiyo.
Hadaba Xalku muxuu yahay?
Xalka Soomaaliya waxaa laga rabaa qofkasta oo Soomaali ah lehna siyaasad wadaninimo,
caqli dowladnimo, aqoon waaya aragnimo, cilmi diineed iyo mid dunawi.

W/Q: Mohamed Hirey

Mr.hirey@gmail.com