Akhri: Talooyinka daryeelka caafimaadka iyo gudashada bisha barakaysan ee Ramadaan

Waqtiga la gudanayo waajibaadka Eebbe ee ah Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa dhibaato ama ka eed sheegasho Dadka qaarkiis, iyagoo sheega inay caafimaad xumo u keenaan cuntooyinka qaar, haddaba waxaa jira 7 arrimood oo caafimaadkaaga kor u qaadi kara inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, waxayna kala yihiin:-

1. ku dadaal cunidda Saxuurta; Saxuurta waa fiican tahay in la cuno xilli dambe, waana wada ogsoon nahay waxtarka ay leedahay, iyo waliba inay Sunno tahay cuniddeeda, Caafimaadkaana muhiim ayay u tahay, waxaase muhiim ah inaad xilligaasi cuntid cunno fudud.

2. Iska yaree dufanka – Cuntada dufanka leh ayaa waxay qeyb weyn ka tahay cuntada ay Soomaalida isticmaalaan xilliga Afurka iyo cashada, balse waxaa muhiim ah caafimaad ahaan in aadan badsan raashinka ama cuntada dufanku ku badan yahay.
3. Raac talada Nabiga (NNKH) –ee ahayd in aad Calooshaada u qeybiso 3 qeybood oo kala noqonaya qeyb cunto ah, qeybna biyo iyo qeybta ugu dambeysa oo ahqeyb hawo ah, waxaana loola jeedaa in aadan iska buuxin Raashin badan oo aadan noqon dibbira weyne.

4. Ha hilmaamin khudaarta – Dad badan ayaa iska hilmaama muhiimada ay leedahay Khudaarta, waa in aad badsataa Khudaarta sida karootada, Caafimaadkaaga qeyb weyn ayay ka tahay.

5. Soco Afurka ka dib – Si aad hawo caafimaad leh u qaadato, kuna soo wareeg Xaafadda ama u lugee Masaajidka, si uu raashinkii aad cuntay u shiidmo.

6. Tuko Salaadda Taraawiixda – Taraawiixdu cibaado keliya ma ahan ee caafimaadka ayay qeyb ka tahay oo waxay kor u qaadaa Caafimaadkaaga, waa jimicsi aad ajar ka heleyso.

7. Wax yar seexo galabtii – Quburadu waxay sheegaan in 15 daqiiqo keliya oo hurdo ah ay qofka ka dhigi karto mid fereesh ah, iyadoo Hurdada galabtii ah ay faa’iido u tahay in aad habeenkii soo jeeddo oo aad cibaadada badsato.

Todobadaasi waxyaabood haddaad ku dhaqaaqdo oo aad sameyso waxaa la hubaa inuu caafimaadkaagu aad u fiicnaan doono, balse haddii aad 7-daasi wax ka soo horjeeda sameysid waxaad khatar u tahay caafimaad darro aad adigu is galisay, waayo Soomaalidu waxay tiraahdaa shantaada waxay ku galisay Shan Shiikhna kaama saarto.

Qallinka: C/laahi Ruush