Warbixin: Yaa maamulka u haya Magaalada Muqdisho?

Madaxtinimadda Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo haatan 7 bilood jir ah, waxaa durbadiiba Maamulkiisa soo wajahday Xiisadii ugu horreysay oo ah mid ay iyagu sameeyeen.

Websaytka Wargeyska Huffington Post ee ka soo baxa  dalka Maraykanka ayaa lagu qoray Maqaal dheer oo Cinwaankiisu yahay: Yaa Xaqiiqdii maamula gudaha Muqdisho?.

Caqabadda ugu weyn ee ka soo wahaysa Dowladda cusub ee Somalia ayaa noqon karta mid Gudaha ah, inakstoo aysan jirin wax sahal ka ah gudaha Somalia.

Sidaas darteed waa Tijaabadii dhabta ah ee ugu horreysa ee Madaxweyne Farmaajo saamayn karta hadalkii ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia isbuucii hore ku shaaciyeen inay Maamulayaasha Somalia door aan fududeyn ka qaateen sidii loo soo qaban lahaa C/kariim Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax” oo ka mid ah Dhaqdhaqaaqa Xoreynta ONLF oo ka dagalaanta Gobalka Ogaadeeniya ee ay ku nool yihiin Soomaalida looga tirade badan yahay dalka Ethiopia..

Waxa uu muddo dheer ahaa qof deggan magaalladda Muqdisho, isla markaana waxaa loo malaynaa inuu ku dhashay gudaha Somalia.

Faahfaahinta dhiibistii C/kariim Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax” waxay ka dhigtay carro ka jirta gudaha Somalia, iyadoo Dastuurka dalka si xooggan u mamnuucayo in Muwaadin Soomaali ah loo gacan geliyo Waddan shisheeye.

Madaxweyne Farmaajo markii uu ku jiray Ololihiisa Doorashadda waxa uu Shacbiyadda ku kasbaday Waddaniyad iyo Taariikhdiisa hore, taasi oo uu kaga guuleystay Murashixiintii la tartamaysay.

Su’aalo badan ayaa waxay ka dhasheen doorka Maamulkiisa ku lahaa soo-qabashadda, xitaa afduubka lagula kacay C/Kariim Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax”, waa sida uu qoray Websaytka Wargeyska Huffington Post.

Waxa kale oo su’aalaha Websaytka Wargeyska Huffington Post uu daabacay ka mid ahaa Muxuu sameeyey Madaxweyne Farmaajo iyo goormaa ayuu Madaxweynuhu ogaaday arrintaasi? Ma waxa uu bixiyey inay Hawsha sii socoto ama ma laga yaabaa inuu walaac badan jiray, ma laga yaabaa in arrintan laga sameeyey gadaashiisa ?

Wixii Arrintan oo kale ah waxay aragti ahaan noqon kartaa Fadeexad Run ah, si fududna uma noqon karto cillad ama Xadgudub Qaanuuni ah.

Soomaalida weli si dhab ah ugama so okabanin dhibaatadda Waddanlooda burburiyey iyo masiibooyinkii laga dhaxlay dagaalkii sokeeye, Faragelinta Milliteriga Ethiopioa oo noqotay dhaawac aan weli bogsanin, iyadoo Wasaaradda Gaashaandhiga qabsadeen Ciiddamo Ethiopian ah.

Maqaalka lagu soo daabacay Websaytka Wargeyska Huffington Post waxaa kaloo lagu xusay in Maamul-gobaleedyadda iska soo horjeeda bixiyaan dhamaan Sirta Qaranka, waana dhibaato weli ka dhex muuqata maskaxda Qaranka.

Arrintaasi waxay u muuqataa inay qeyb ku lug yeelan karto dib-u-eegista Madaxweynaha ee hadalkiisa, ka hor intaysan Ethiopianka la helin dhibaatayntaasi oo kale.

Xitaa Sannado badan Soomaalida waxay ahaayeen kuwo la noolaa sumcad-xumida Caalamiga ee Somalia loogu yeero dal guul-daraystay.

Sannado kadib, oo ay dadaal u galeen inay mar kale dib u dhistaan Qarankooda waxay dhacdadan sare u qaaday su’aalaha muhiimka ee la isku weydiinayo in Muwaadin Soomaali si dhaqso leh loogala baxo dhul Soomaaliyeed, iyadoo ay xitaa Dowladda qeyb ka tahay arrintaasi.

Waxayna arrintan ka dhigi kartaa inay dad badan la yaabi karaan haddii uu dalkooda hooyo weli yahay meel ay ka jirto Xorriyad iyo Dowlad shaqeynaysa.

Dad badan ayaa waxay Rajo Sare ka qabeen Dowladda Cusub ee Federalka, balse haatan waxay ka qabaan shaki.

Dhiibistii C/kariim Sheekh Muuse “Qalbi-dhagax” ayaa noqotay Tijaabadii dhabta ee ugu horreysay Madaxweyne Farmaajo, balse, xilligan waxa uu u muuqdaa inuu ku fashilmay arrintaasi.

Xigasho: huffingtonpost.com