Dhaqamada iyo Ficilada Foosha Xun ee Fu’ad Shongole

Waxaan aad uga helay hadal uu beri dhawayd bartiisa Facebook-ga ku faafiyay mid ka mid ah Culimmada ugu caansan Caalamka Islaamka oo la yiraahdo Salmaan Alcawda oo uu ku yiri “ Qallooc diineed  iyo Maangaabnimo  ma dhimmana, Haddii aan Isu qaato in aan ahay Nabi Muxamed CSW, Dadka iga soo hor jeedana aan ka dhigo Gaaladii Qureysheed”

Sheikhu waxa uu tilmaamayay meel kastaba caalamka ha ka joogaane kooxaha magaca Islaamka ku qaraabta ee  fahamkooda iyo ficilkooduba qalloocday sida Alshabaab oo kale.

Waxaan hadalka Sheikh Cawda soo xasuustay, markii aan shalay dhageystay hadal Cataaw iyo Calaacal ahaa oo laga duubay Dagaal-Ooge Fu’aad Shongole oo ka tirsan qabqablayaasha Alshabaab.

Wuxuu dagaal ka dhacay Dayniile iyo KM 13 ku matalay duullaalkii Axzaab , Maleeshiyaadka Shabaabna wuxuu ku matalay Nabi Muxammed CSW iyo Asxaabtiisii!!!

Wuxuu yiri “ Malaa’ik ayaa dagaalka nagala qeyb qaadaneysa” Intaas kuma simin ee wuxuu ku sii daray “ Ilaahay xitaa annaguu nala jiraa oo dagaalka qeyb ayuu ka yahay!”

Wuxuu haddana yiri” Waad ogtihiin wixii ay Mujaahidiintu shalay ka dhigeen Yemen oo ay ku laayeen gaalada Mareykanka iyo Kuwa u shaqeeya” Dabcan wuxuu tilmaamayay qarax Ismiidaamin ah oo Axaddii  Alqaacidda ka fulisay magaalada Sanca oo ay ku dhinteen 90 qof oo Yemeniyiin ah oo isugu jiray Askar iyo Rayid.

Ka dib Ina Shongole wuxuu ka codsaday Dhallinyarada guryaha jooga in ay dagaalka galaan,  amarkaas wuxuu tilmaamay in uu “Ilaahay ka soo xigtay!”.

Dadka Da’da ah, Carruurta iyo Kuwa Indhaha la’na wuxuu ka codsaday in ay gacmaha kor u taagaan oo ay “Mujaahidiinta” u duceeyaan in uu ilaahey guusha siiyo!.

Dagaalku Axzaab iyo Badar midna ma ahan ee wuxuu u dhexeeyaa Soomaali, waxa uuna salka ku hayaa siyaasad iyo maamul, Shongole sidaas waa ogyahay, balse wuxuu beer laxawsanayaa carruurta uu qoryaha u dhiibay oo dagaalkii ka soo jeestay.

Mid ka mid ah Culimmo isku sheegga Shabaabka u iftooda in ay dadka masaajidda ku dhex dilaan, ayaa la waydiiyay sababta ay dhallinyaradka beenta ugu sheegayaan?

Wuxuu ku jawaabay “ Haddii aan Aaayado loo soo daliilin Ilmaha dagaalka lama gelin karo”

Nabi iska yeelnimada Ina Shongole, ma ahan mid meel leh, Dhaqankiisa iyo dhawaqiisuna way ka horjeedaan wixii nabi Muxamed CSW la yimid.

Dadka Soomaaliyeed wali ma illoobin Hadalladii Ina Shongole ee ay ka mid ahaayeen.
“ Qofkii naga soo hor jeeda ama dowladda la shaqeeya, Haddii uu Kun jeer Ashahaato waa la dilayaa”
“Dadka Soomaaliyeed Gaalo badanaa! Iyagoo Gaalo ah ayay masaajidda ku tukanayaan oo ay Qur’aanka Ilaahay Akhrinayaan, Iyagoo Murtaddiin ah oo Ilaahay ka furtay”.

Ninka sidaas u hadlay , oo la jahray in muslim iyo gaalaba wixii aan Shabaab ahayn la laayo, ayaa Ilaahay is xijinaya oo leh waxaa ila jirta malaa’ikta! Ilaahayow na hanuuni.

Waxaa mudan in hoosta laga xarriiqo in Shongole uu ka dalbaday Duqeyda, Carruurta iyo Cuuryaanka in ay Shabaab u soo duceeyaan!

Waxaase is waydiintu tahay, Tolow Alshabaab ma u soo duceyn doonaan. Kumannaankii ay dileen, Boqollaalkii kun ee ay cuuryaanka ka dhigeen, Malaayiintii ay Barakiciyeen, Kumannaankii ay Gaajada u dileen, Hooyooyinkii ay gablamiyeen, Dhallinyaradii ay addimada ka jareen, Hablihii ay kufsadeen ka dibna ay rajmiyeen, Ardaydii ay Iskuullada iyo Jaamacadaha ku qarxiyeen, Dadkii ay hantidooda ka boobeen, Waalidiintii ay carruurtooda bambooyinka ku xireen iyo Malaayiintii ay nolosha u diideen?

Jabril Yahye Isse                                                                                                Goobsan Media inc.