Dadka aan Muslim ka ahayn oo qiray in Soonku leeyahay Caafimaad.

Dr. Michael Mosley oo ah qoraagga buugga Fast diet. Buugaas oo noqday mid laga sameeyey malaayiin daabacadood oo luuqado kala duwan lagu qoray, kaasoo uu kaga hadlayo ramadaanka iyo dheeli tirnaanta kujirta in muddo aan la cunin wax cunta ah. Buugaas oo daaha ka qaaday faa’iidooyin baddan.

Dr. Michael Mosley wuxuu sheegay in Soonku dheeli tirnaan ku sameeyo hab dhiska shaqada dhiiga. Sidoo kalena inuu yareeyo Cholestrol-ka ama in jirku ku bato dufanku. Maadama waqti u dhaxayso intaad qaadanayso cunto. Sidoo kale wuxuu hoos u dhiggaa insulin jirku isticmaalayo.

Dr. Valter Longo oo Bare ama macalin ka ah Jaamacada la yiraahdo University of Southern California (USC) ayaa sheegay in qofka sooma 2-4 beri ama maalmood wax ka baddan, in qofkaas unugyadda difaaca jirkiisu dib usoo cusboonaadaan.

Sidoo kale waxaa samaysma unuguyo cusub oo difaaca jirka. Anti bodies. Sidoo kale in unuga jirka dhaawac uu gaaro ayuu jirka ka saacidayaa soonku. Wuxuuna ka hortagayaa in unugyo cudurka halista ah ee kansarka ay jirka ku sameysmaan.

Sidoo kale siddeed saacadood kadib.Markaad cuntadda afurka cuntid waxaa la sheegaa, in kuluukoosta lagu kaydiyo beerka, si aanan carqalad lahayn kadibna loo safriyo murqaha jirka. Sidoo kale markii la isticmaalo sonkorta ku kaydsaneyd beerka. Waxaa la gubaa dufanka ku jirta jirka kuwaas oo loo bedelo tamar, taaso sababaysa in culayska jirku yaraado.

Dr velter longo waxaa fikirkaas ku raacay. Dr. Razeen Mahroof, oo jamacada Oxford ee dalka ingiriiska ku taal bare ama macalin ka ah.

Sida lagu xusay jariirada Cell Stem Cell, dadka la il daran xanuunka kansarka, hadii ay soomaan muddo saddex cisho ah, waxaa istaagaya unugyadii kansarka ahaa ee koraayay. Waxaana macquul ah in ay ka dawoobaan ama ka caafimaadaan dadkaasi jiradaas ama xanuunkaas isla markaana ay Samaysmaana unugyo caafimaad qaba.

Diyaarintii: Dr Samiir Cabdicasiis