Warbixin: Siyaasiyiinta caqabada ku ah Dhex Dhexaadnimada Soomaaliya ee Xiisadda Carabta

Sida lawada ogyahay, waxaa cirka isku sii shareeraya oo meel xasaasi ah maraysa xidhiidh ka ay lahaayeen wadama khaliijka ee walaala ah. Tan iyo markii isbahaysiga Sucuudigu hogaamiyo xidhiidhka u jareen wadanka Qatar, waxaa isa soo taraysa saamaynta ay ku leelatay dunida inteeda kale oo ay Somalia ka mid tahay.

Khilaaf ka wadamada Khaliijka

Wadamada khaliijka carabta khilaaf koogu kuma dhisna xikmad iyo aragti fog, waana mid u muuqda inay tahay laab lakac iyo waan kaa awood badanahay oo sucuudigu ku kacay, kusii darsoo oohintu orgiga ka wayne waxaa dabada ka riixaya wadama kale oo waawayn oo doonaya inay bur bur ka khaliijka marka hore lagu bilaabo Qatar, hadana wadan kale lagu xigsiiyo  hadii paln A uu u suuroobo. Qormadan mid aan iska aliftay maahan ee waxaan ku sababaynnayaa bur bur kii lagu sameeye wadama badan oo hore oo ku yaala bariga dhaxe una badan carab iyo kacdoon kii carabta, markaa, waxaa la odhan karayaa in Sucuudigu aanu bad baadi doonin hadii maanta Qatar ay bur buriso.

Somalia halkee bay kaga jirtaa khilaaf ka?

Waddan keena waxay madaxda dalka ugu sareeya qaadatay mowqif dhex dhexaada, inkastoo caqabado badni ka jiraan iyo weliba haliso badan oo laga yaabo inay saamaynteeda yeelato. Waxa bar bar socda mowqifka dowlada dhaxe, maamulada ka jira dalka inay shir kula jiraaan xulafada iyo weliba xildhibaano ka tirsan golaha shacab ka aan jeclaysan hab dhaqan ka nidaamka cusub ee dalka ka jira.

Shaqsiyaadka hagar daaminaya dhex dhexaadnimada ay qaadatay Somalia.

Waxaa jira shaqsiyaad soo maray siyaasada dalka oo weliba meeleaha ugu sarreye ka qabtay xilka iyo siyaasada Somalia, waa ayo?

Cumar C/rashiid

Ninkani waxaa uu noqday Safiir ka Somalia u fadhiya Ameerika iyo sidoo kale waxaa uu soo noqday Ra’isal wasaare, waxaa hada  ka hor lagu eedeenaye inuu iibsaday badda Somalia ee xuduuda la leh Kenya oo weli muran keegu taagan yahay, waxa kaloo uu iibsaday dekado badan oo dalka ku yaala oo uu ka iibiye DP World.

C/Weli Mohamed Ali Gaas,

Madaxwaynehay Maamul goboleedka Somaaliyeed ee Puntland, waxaa uu soo noqday Ra’iisal wasaaraha Somalia, waxaana lagu tiriyaa aqoonyahanada Somalia ee weliba ku takhasusay dhaqaalaha, waxaa laga filaye markii uu Puntland madaxwayne ka noqday inuu wadanka sii hormariyo oo uu midnimada Somalia ka shaqeeyo, maadaama uu yahay aqonyahan iyo siyaasi wayn, waxaa uu bilaabay inuu heshiis caalami ah lagalo cidda uu doono, waxaana ka mid ahaa dekada Boosaaso, Garoon ka Gaalkacyo iyo qaar kale, hadana waxaa uu heshiis iyo shirar kula jiraa CCC iyo Imaaraat ka si loo hagar daamiyo mowqifka dowlada dhaxe.

Shariif Xasan sheikh Aadan 

Shariif waxaa uu ahaa nin ganacsade ah oo ku fir fircoon dhanka ganacsiga, waana nin lagu tirin jiray inuu kasoo jeedo qoys la ixtiraamo, waxaa uu soo noqday Gudoomiye Parlement ee dowladihii KG ahaa,

waxaa lagu eedeyaa inuu sabab u ahaa bur bur kii dowladii C/llahi Yusuf, waxa uu imika yahay madaxwaynaha Mamul goboleedka koonfur galbeed Somalia, waxaana dhowaan hesiis hor dhaca la galay Imaraat ka carabata oo uu ku wareejiyo dekada Baraawe ee uu ka arimiyo , waxaa uu imika shirar kula jiraa CCC inuu hagar daamiyo mowqifka dowlada dhaxe.

Maxaa Somalia la gudboon?

Madaxda Somalia waxaa la gudboon inay iskugu yeedho kulan deg deg ah (xasaasi ah) ee looga arrinsanayo sidii mowqif midaysan looga qaato qadiyada khaliijka ee aanay ku fikirin inay wax walba ay iyagu awood u leeyihiin, sharciyadana u haystaan, xaqiiqada jirtana hoos u eegaan, weliba ay xidhiidh la samayso CCC, una sheegto inuu faraha kala baxo arrimaha Somalia wakhti xaadir kaan (inkastoo aan la filayn) maadama uu soo maray wakhti uu talin jiray hadana aanu faraha la galin siyaasada gudaha ixtiraamana madax banaanida Somalia oo weliba dalkiisa ah.

Maxaa la gudboon madaxda aan kasoo qaadanay qaar ka mid ah?

Waxaa ceeba nin xil sare ka qabtay dalka oo u dhaartay inuu daacad u yahay inuu hadana harag daamiyo dalkiisa kuna bedesho xoolo iwm, waxaan ka codsanayaa maxadadeena maamul goboleed yada inay ka fikiraan mustaqbal keena (dhallin yarada) iyo jiilka soo socda ee aany ina iibsanin, waxaa kaloon ka codsanayaa inay dowlada kala tashtaan arrinkan oo ay qaataan mowqif midaynsan.

Xildhibaanada la tuhunsan yahay?

Horta aanu is waydiine XILDHIBAANOW yaad meteshaa, shaqadaaduse maxay tahay? Waxaa wax laga xumaado ah in xildhibaan qaran oo soo doortay madaxwayne qaran oo ansixiyay Ra’iisal waraasre iyo wasiiradiisa ay hadana ku fikiraan inay bur buriyaan, maanay ceeb kugu ehayn waxaad dhistay inaad bur buriso? Hadii aanad jeclaysan sida wax u socdaan maad la timaadid fikrad wax dhisaysa ee lagu toosinayo madaxda dalka, halka aad dalal shisheeye u doonaysid garab iyo qaran dumis, takale ma ogtahay in aan la aaminin oo aan qaymo loo yeelin qof dalkiisa khiyaamo? Waxaa idin la gudboon inaad sharic dejintiina ku ekaataan oo shaqadiina garataan, ee aanay ehayn inaad madaxwayne ama Ra’isal wasaare shaqadiisa qabsanaya aanad caqabad ku noqon.

Shacbaka maxaa la gudboon?

Hadaanu laba u kala qaadno shacabka waxaa la gudboon:

waa inay taageeraan jid kastoo lagu bad baadin karo dalkeena oo weliba aynaan ka aamusin dhibaatada ay inagu hayaan siyaasiyiin calooshood u shaqaystayaala
waa in odeyaashii keenay Xildhibaanada ay la hadlaan inaanay bur burinin waxa kan curdin ka ee hada la yagleelay, xildhibaan kii la hayn waayana lagu bedelo ina adeer kii maadaada wuxu ahaayeen 4.5 waayo wadanka ayaa ka wayn xildhibaan qaran dumisa.
FG:  Akhriste; qormadaan cidna kuma mucaaradayo cidna kuma taageerayo waa fikir kayga ayaan cabiraye wixii khalada oo aad aragtid inaa saxdo waan soo dhoweenayaa.

W/Q: Ali M. Hussein