Waa maxey haybaddeena umadnimo- Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo?

Madaxweyne, adigoo raali ah ayaan kaa codsan inaad su`aashan nooga soo jawaabto. Waxaa kaloo qoraalka raacsan, talo yara oo aan rajeyn in ay anfac yeelan doonto.  

Arbacadii la soo dhaafey 08/2-2017 waxaa quruun ahaan lagu baraarugey maalin cusub iyo isbedel mudo dheer la hiigsanayay. Wax taariikhi ah oo aan marnana la filaneyn lana hilmaameyn ayaa dhacey. Qadar Rabi iyo duco badan, hami shacab iyo dadaal badan ayay guushaa qarannimo ku suurta gashey.

Su`aal– Mudane madaxweyne adigoo ogsoon dagaalkii iyo dhibkii aan soo wada marney. Qabiilka aan isku dilney, oo isku xumeeney. Oo hadana isku qeybiney oo isku bahdilney. Ayaa shacabka maantey kuu kacey yihiin shacab qabiil kastaa leh. Waa shacab fahmey qiimaha QARANIMO iyo dhibka QABIIL. Waa shacab kuu hanweyn hadana nasiim xumo boog-xanuun gubeysa. Dhibkii – dhaawicii  iyo xaq-daradii qabiil, weli lagama bogsoon. Weyna adagtahey si kastoo dalka loo dhiso oo loo wanaajiyo, inay kalsooni muwaadannimo timaado, hadii aan boogtaa la daaweyn. Hadaba sidee lagu daweyn karaa, oo quluubta shacabka loo soo dhisi karaa, waa su`aal u baahan in lays weydiiyo?

Dalkan Norwey ee aan joogo, ayaa qiyamkooda moral iyo siyaasad ku saleysan yahey, waxyaalaha ay ka midka yihiin: – In la wada siman yahey (sinnaan jinsi, aadanimo iyo xaquuq), In talada laysla wadaago (demoqraadanimo), In xorriyadd loo yahey tan maskax, midnimo, diin, siyaasad, dhaqaale iyo dhaqdhaqaaq.

Hadaba mudane Madaxweyne markii shacabka soomaaliyeed loo kala qeybiyay 4,5 maxuu qiyamkeena iyo sharafteena somaalinimo ku dhisnaan doontaa? Xaquuqdeena iyo waajibkeena muwaadinimo maxuu ku saleysnaan doonaa? Waa maxey waxa somali naga wada dhiga? Waa maxey haybaddeena somaalinimo? Ka jawaabida su`aalahaa waxey sahleysaa in quluubta shacabka ay dib u soo noolaato. Oo kalsooni timaado. Bulsho siman la wada noqdo.

Dalkan Norwey oo noqdey my second home ayaa mar uu dhaqaalihiisu liitey, ayaa Reysarwaarada qudbad ay jeedisey 1994, isticmaashey halheys taariikhi noqdey. Oo quluubta shacabkan kor u soo qaadey. Waxey tiri «Waxaa nalagu yaqaan hadaan nahney reer norwey in aan dad fiican nahney»  “It is typically Norwegian to be good” kalmadaaa yarta ah waxey sababtey in xataa caruurtoodii lagu barbaariyo in ay yihiin dad `HAN` weyn oo ay ka fiican yihiin umadaha kale. Annaga waxaan maantey u baahnahey tarbiyad wadaninimo. Tarbiyadaana waxaa QEEXI kara hogaanka cusub oo aad dooran doonto. Mudane madaxweyne waxaa intaa iiga eg su`aasheyda ku saabsan waxa ay tahey sharafteena umaddnimo? Oo aan rajeyn inaad nooga soo jawaabti doontid.

Tan talada ah oo ku saabsan ABAARAHA- Waxaan u arkaa in ay doqonimo iyo daciifnimo ay tahey, in uu dhibkan markastaa uu soo laabto. Oo dad iyo duunyana naga galaafsado. Oo aynaan marnana isku diyaarin sidii aan uga hortegi laheyn!. Mudane madaxweyne waxaa talo ahaan u soo jeedin labo arin. (1) -Dhaqaale iyo qorshe go`an in loo qoondeeyo ka hortegida abaaraha iyo dhowrida xaalufinta geedaha. (2)- In shacabka la baro sidey iyagu laftigood isku bad-baadin lahaayeen. Oo ay u keydsan lahaayeen caws iyo biyo ku filan. Hay`adaha dhaqalaha bixiya, hay`adaha arimaha bulshada iyo gargaarka ka shaqeeya iyo shacabka soomaaliyeed oo isku taga, ayaa dhibkan looga hortegi karaa.

Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo waxaan Ilaahey kaaga baryayaa in howshan ku fududeeyo. Rabina kuu sahlo dad wanaagsan oo hamigaaga garanaya oo howsha kula wadi kara.

Ubah Abdullah Aden

Guul Qaran Dhamaanteen.

Wabillahhitaufiq