Waxaa jira aragtiyo badan oo isku dayay inay sharaxaan iskitsoofiriiniya.
Sababta keenta lama yaqaano, laakiin waxyaabaha qaarkood ayaa la arkay inay dadka yeeshay iskitsoofiriiniya ay dadka kale kaga duwan yihiin: waxaa kuwaa ku jira:
• Waxaa laga yaabaa hab-dhiska maskaxda dadka qaba iskitsoofiriiniya aanay caadi ahayn.
• Isbeddelo ah qulqul dhiigga oo naqan oo ka dhaca qaybo gaar ah oo ah maskaxda.
• Moolikiyuulo kiimiko oo maskaxda ka dhambaal qabteyaal ayaa ku yar qaybahaa gaarka ah ee maskaxda.
• Meelaha dheecaanku ku jiro (lateral ventricles) maskaxda oo weynaaday.
• Marinada dareemeyeesha isgaarsiinta oo aan caadi ahayn qayb maskaxda ka tirsan.
• Waxaa jira marag-kac ah in dadka hidde ahaan nuqul uu waayaha daran iyo daroogooyinka balwad ahaan loo qaato sida xashiishta iyo kookayn ay ku kicin karaan iskitsoofiriiniya.
• Cilmi-baarista ayaa tilmaamaysa in cudurkan laga helo ama ay leeyihiin qoysaska qaarkood, laakiin halista in qofka ay ku dhacdo iskitsoofiriiniya, haddii qof qoyskiisa ahi qabo, way yar tahay.
Calaamadaha lagu garto Iskitsoofiriiniyada
Calaamadaha iskitsoofiriiniya waxaa loo kala qaybin karaa calaamado togan iyo calaamado taban.
Calaamadaha togan waxaa lagu yaqaanaa iskitsoofiriiniyada daran halka calaamadaha taban lagu yaqaano ciladda muddo dheer jirtay.
Inkastoo calaamadaha togani ay ugu daran yihiin, isla markaana ay ugu dhib badan yihiin, calaamadaha tabani waxay keeni karaan dhibaatooyinka ugu badan, sababta oo ah waxay jiraan mudada ugu dheer daaweyntooduna way ugu dhib badan tahay.
Calaamadaha in cudurku jiro ah kuwa ugu waaweyni waa:
• Nasasho la’aan, dhaqan qaylo iyo dhaqan caqli aan ku dhisnayn
• Isbeddelo niyadda oo dhakhso ah
• Dareen niyadeed oo aan xaaladda jirta ku haboonayn
• Fikir aan qaab lahayn
• Dareen ah in cid kale qofka xukunto – qofka oo u maleynaya in fikradihiisii iyo waxqabadkiisii lala wareegay
• Dhalanteed rumeysi
• Isku-sawirid (Hallucinations)
• Fiiro la’aan – qofka oo aan ka warqabin in fikradiisa, waayihiisa iyo dhaqankiisu aanay caadi ahayn
• Shaki, kaasoo marrarka qaarkood ah shaki waali ah (paranoia).
Dhalanteed rumeysigu waa rumeyn qofku isku qufulay wax aan run ahay, oo aan caqli-celin lagaga beddeli karin. Dhalanteed rumeysiga marwalba lagama garan karo fikradaha qofku aad u rumeysan yahay laakiin ah ra’yi guud ahaan la beeniyay, gaar ahaan haddii kooxi
fikradahaa la wadaagto qofka. Laakiin dhalanteedka intiisa badani waa kuwo asal ahaan aan caqli-gal ahayn, ama si cad loo arko inay ku saleysan yihiin aragti ama caqli khaldan, sidaa daraadeedna tilmaan u noqon kara qas maskaxeed oo culus.
Dhalanteedka waalidu waxa uu u kala qaybsan yahay dhawr nooc waxaana ka mid ah:
• Dhalanteed cadaadin (dhalanteed waali ah)
• Dhalanteedka isla weynaanta
• Dhalanteedka cudur (rumeyn in qofku jiran yahay laakiin aan sal lahayn)
• Dhalanteed uu qofku rumeysan yahay in jirkiisu aanuu caadi ahayn
• Dhalanteedka run-ma-ahaanta iyo shakhsiyad-guurka (depersonalisation)
• Dhalanteedka in cid kale ama jin qofka xukumo
• Dhalanteedka is-qiime-jabinta ama inaan qofku faa’iido lahayn.
Isku-sawiriddu waa dareen aan lahayn wax sababay oo ka imanaya dibadda qofka. Sidaa daraadeed waa isku-sawirid haddii qofku uu arko waxaan jirin ama uu maqlo codad aan ka iman sanqar meel ka imanaysa. Isku-sawiridda waa in laga sooco dhalanteedka, oo isagu ah fikrado khaldan.
Isku-sawiriddu waa calaamad u caadi ah iskitsoofiriiniya. Waxaa laga yaabaa inuu ka yimaado dareenka aragga (isku-sawiridda indhaha); maqalka, kaasoo marmarka qaarkood muusig ah (maqal); taabashada; dhadhaqanka; ama urta.
Isku-sawiriddu waxay caadi ahaan dadweynaha guud ku dhacdaa marka ay sii seexanayaan (hypnagogic hallucinations), ama marka ay hurdada ka toosayaan (hypnopompic hallucinations).
Calaamadaha taban waxaa ka mid ah daalka, isku-taxalujin la’aanta iyo tamar iyo xiise la’aanta, kuwaasoo ay uga sii dari karto waxyeellooyinka daawooyinka loo isticmaalo daaweynta calaamadaha toban. Iyadoo sababtu tahay calaamadahaa, waxaa laga yaabaa
in shakhsiga aanay suurogal u noqon inuu wax ka qabto hawlo maalmeedka.
Qaababka dhaqan ee lagu arkay dadka qaba iskitsoofiriiniyada muddo dheer jirta waxaa ka mid ah:
• Bulsho ka-go’id
• Firfircooni yaraan
• Isku-taxalujin la’aan
• La’aanta hawlo maararow ama maaweelo ah
• Muujin la’aanta dareen
• Gaabin jireed
• Firfircooni badni jireed
• Is-dayaacad
• Dhaqdhaqaaqyo ama qaab joog oo lala yaabo (waa dhif).
Daaweynta daawo la isticmaalayo
Dadka qaba iskitsoofiriiniya intoobada badan waxaa loo qoraa daawooyin, kuwaasoo la doonayo inay yareeyaan calaamadaha togan.
Daawooyinka loo isticmaalo iskitsoofiriiniya waa ‘antipsychotics’ ama’ neuroleptics’ (dajiyeyaal (tranquillizers) waaweyn).
Labada kooxood ee ugu waaweyn daawooyinka ‘antipsychotics’ waa ‘antipsychotics’ caadi ah iyo ‘antipsychotics’ aan caadi ahayn. Daawooyinka ‘antipsychotics’ waxtarkoodu waxa uu qaadan karaa bil ilaa saddex bilood. Daawooyinka ‘antipsychotics’ ee caadiga ah waxaa loo qaataa kiniini am sharoobo ahaan. Qaarkood waxaa la heli karaa iyagoo ah mudis shaqeysa muddo dheer.
Daawooyinka ‘antipsychotics’ waxay yeellan karaan tiro ah waxyeellooyin. Waxay kuwaasi noqon karaan kuwo xun. Kuwa ugu daran waxaa ka mid ah dubaaxin muruq, dhaqdhaqaaq muruq oo aan caadi ahayn iyo dhaqdhaqaaq jir oo aan caadi ahayn iyo cilado dhaqdhaqaaq oo daran. Waxyeellooyinka daawooyinka ‘antipsychotics’ aan caadiga ahayni way ka khafiifsan yihiin kuwa daawooyina ‘antipsychotics’ ee caadiga ah, laakiin waxay ka qaalisan yihiin.
Daaweynta aan daawo la isticmaalin
Waxaa laga yaabaa in daaweynta hadalka ah sida la-talinta iyo fikrad-ku-daaweynta (psychotherapy) ay waxtar u leedahay dadka qaba iskitsoofiriiniya iyo qoysaskooda.
Daaweyntaa hadalka ah waxaa la isticmaalaa iyadoo uu barbar socdo daaweynta daawo la isticmaalayo marka qofku qabo iskitsoofiriiniya.
Daaweynta la isticmaalo garaadka iyo dhaqanka (Cognitive behavioural therapy) (CBT) ayaa si guul leh loogu isticmaalay calaamadaha
iskitsoofiriiniya sida dhaleenteedka ama isku-sawiridda.
Waxaa jira xoogaa ah marag-kac tilmaamaya in daaweynta beddelaad ah sida jimicsiga, fanka/ku-daaweynta muusigga, beddelida cuntada/nafaqada, daaweynta cudur-matalaadda ah ‘homeopathy’ iyo dhirta ayaa la arkay inay dadka qaba iskitsoofiriiniya qaarkood ay
faa’iido ka helaan.
Marmarka qaarkood, dadka heerka cudurkoodu daran yahay waxaa laga yaaba inay u baahan karaan in la dhigo cisbitaalka iyadoo la isticmaalayo Xeerka Caafimaadka Maskaxda (Mental Health Act) si loo qiimeeyo iyo/ama loo daaweeyo oggalaansho la’aan.
Taa waxaa la yiraahda qodob la-beegsi (sectioning). Marrar badan waxaa dhacda in dadka qaba iskitsoofiriiniya ay iyaga laftoodu is keenaan cisbitaalka haddii ay lagamamaarmaan tahay, hase yeeshe dadka qaba iskitsoofiriiniya intooda badani waxay ku dhex nool yihiin beesha qaar badanina waxaa kaliya ee ay arkaan dhakhtarkooda marka ay u baahan yihiin daawo.
Dad badan oo qaba iskitsoofiriiniya ayaa iminka sita Kaarar Qalalaase (Crisis Cards) ama waxay sii sameystaan Dardaaran Hormaris ah (Advance Directives) si ay u sheegaan rabitaankooda daaweyn haddii la dhigo cisbitaalka.
Dhib-koror (Complications)
Dhib-kororka ugu waaweyni waxa uu qabsadaa tayada nolosha:
• Cudur waali oo darani waa waayo cabsi leh – isku-sawiridda iyo dhalanteedku waxay si buuxda ugu eeg yihiin run marka ay qofka hayaan.
• Hawlaha bulsheed ee qofka, sida xiriirka uu la leeyahay dadka kale, awoodda shaqeynta iyo maamulidda nolol maalmeedka, ayaa badanaa si culus waxyeelo u gaaraa.
• Is-dilid iyo is-dhaawicid ayaa u caadi ah dadka qaba iskitsoofiriiniya: qiyaastii 10-kiiba mid ayaa ugu dambeyn nafta iska jara.
• Qaar ka mid ah daawooyinka la siiyo dadka qaba iskitsoofiriiniya ayaa keena waxyeelooyin dhib leh sida ciladaha dhaqaaqa, miisaan koror iyo hurdo-hurdo