Turkiga oo wacad ku maray inay ka aargudan doonaan Netherland

Waxaa cirka isku shareeray xiisada u dhaxaysa dalalka Turkey iyo Netherland kadib markii dowlada Netherland ay mar labaad ku kacday tilaabo kale oo ka caraysiisay Turkey taasoo ahayd masaafurinta wasiirada arrimaha qoyska ee Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya oo xalay boolisku ka saareen wadankaas,

Tilaabadan ayaa timid markii shacab reer  Turkey ah oo ka biyo diidsan go’aankii shalay Holland ay dalkeeda ugu diiday inuu soo galo Wasiirka Arimaha dibada Turkiga ayaa waxay soo buux dhaafiyeen bannaanka hore ee qunsuliyadda Turkiga ay ku leedahay magaalada Rotherdam, taasoo sababtay isku dhac u dhaxeeyay booliska Netherlands iyo kooxihii mudaharaadayay,

Booliska Holland oo ka fal celiyay rabshadahaas ayaa isla xalay Wasiirada arrimaha qoyska ee Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya waxay geeyeen xudduudda Netherlands ay la wadaagto Jarmalka, waxayna wasiirada ku amreen inaysan dalka dib ugu soo laaban ,

Wasiirka arrimaha qoyska ee Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya ayaa dooneysay in ay taageero u raadiso aftida loo qaadayo dastuurka dalkaasi bartamaha bisha dambe. Aftida ayaa la doonayaa in dastuurka isbadal lagu sameeyo si awood dheeraad ah loo siiyo madaxweynaha.

Raisal wasaaraha dalka Turkey Binali Yildirim ayaa sheegay inay ka aargudan doonaan dowladda Holland bahdilaadda ay ku sameysay si aysan waligood kasoo waaqsan oo ay ka shallaayaan falalka foosha xun ee ay ku dhaqaaqeen.

Dhanka kale  Ra’iisalwasaaraha Netherlands ayaa sheegay in ay adkaatay in xal laga gaaro murankaasi diblomaasiyadeed ee u dahxeeya dalkiisa iyo Turkiga, waxa uuna mas’uuliyad xummo ku tilmaamay booqashada wasiirka arrimaha qoyska ee Turkiga.

©Goobsan  Media