Sawiradi iyo hadaladii dareenka lahaa ee Aduunka soo jiitay

Hooyada reer Danish ee Anja Ringgren Loven waa 38 jir caalamka soo jiidatay sanadii 2016 markaas oo la arkay sawir ay biyo waraabinayso wiil yar oo socod barad ah kaasoo ay bulshadu iska takoortay arima la xariira sixirka  baahsan ee ka jira Nigeria.

Sawiradii laga qaaday ayaa dadka reer Nigeria soo jiitay taasoo ay ku wadaageen baraha bulshadu ku kalanto waxayna sababtay in kumanaan kun oo qof ay ku share-gareeyaan facebook, isla markiiba

Waxa bogaga hore ee jaraa’idada caalamku ay ku daabaceen sawiradii ayagoo ciwaano uga dhigay hadalo dareen iyo soo jiidashaba leh.

Waxaa shaaca laga qaaday Loven inay noqotay qofka ugu saamaynta badnaa ‘’OOM MAGAZINE’’ sanadii 2016ka taasoo ay ku garaacday Pope Francis, Dalai Lama, Iyo waliba Malala Yousafzai, kuwaas oo ahaay dadki kaalimaha ugu horeeya uga jiray dadka ugu saamaynta badan, Loven waxay Nigeria kala kulantay Dad wanaagsan oo bogaadiyay howsheeda iyo kuwa dhaliilay intaba.

 

Loven hamigeeda ah inay noqoto mid u adeegta dadka dhiban oo ay shaqaale gargaar u noqoto ma ahan mid ku timid hal habeen oo kaliya, waxay aasaastay NGO u qaas ah oo la magic baxay  ‘ DinNødhjælp’, khibradeedana waxay ahayd kaliya rajo taasoo  ah inay u muujisay caawinaad  sawirka wiilka yarna ay dunida tusto.

Nasiib wanaag waxay isla markiiba caawinaad iyo amaan ay ka heshay dowladeeda Denmark iyo dadka kale ee maalqabeenada ah taaso markii horeba aysan horay u fahansaneen.

Loven waxay maalmahan dambe mashquul ku noqotay ayadoo nolosheeda halis galinaysa si ay ugu doodo ololaheeda ay bulshada uga digeyso qatarta uu leeyahay sixirka, waxay kaloo ku mashquushay inay hir galiso dhisma cusub oo ah xarun lagu xanaaneeyo caruurta yar yare ee dayaca la kulanta.

CPH Post ayaa waraysi  la yeelatay ayadoo wax ka waydiisay ololaheeda ay dhaqaalaha ugu raadinayso NGO geeda ayadoo iman doonta isla bisha march Denmark si ay howlaheeda dhaqaale aruurinta uga sii wadato.

Mar ay wax laga weydiiyay inay Denmark oo ah hoygeeda koowaad usoo noqon doonto ayadoo daganaasho ahaan ah ayay ku jawaabtay loven “haa” waxayna ku tiri haddi aan kula noolahay caruurteyda  Nigeria waa hoygeygii sidoo kale Denmark waa hoygeygii.

Mar wax laga weydiiyay sida ay kusoo gaartay heerkan manta ay tahay ayay ku jawaabtay, waxaan lix sano ka hor ahaa maamule carwo dhareed, waxaan kasoo shaqeeyay Tanzania iyo Malawi aniga ayaana jeclaystay inaan ahaado shaqaale Gargaar waxayna ii ahayd inaan horumar sameeyay anigoo usoo tilaabay aduun kale waxaan kasoo tagay shaqadaydi waxaana soo iibiyay qeybtii aan ka degnaa Wadankayga iyo dhamaan waxaan heystay oo dhan gabigoodba ashyaadaas oo dhan waan kasoo takhalusay taasna waxay Isiisay xornimo mid nafsi ah iyo mid dhaqaaleba.

Waxaan la noolaa macalimada walaashey waxaan xafitay dhamaan qarashaadkeyga si aan ugu soo safro, waxaan saas u samaynayey inaan ka mira dhaliyo riyadeyda iyo inaan is bedel  ku samayn karo caruurta Africa.

Mar la weydiiyay sababta ay ku jeclaatay inay caawiso caruurta Africa ayay ku jawaabtay waligayba waxaana niyada ka ahaa Africa tan iyo markaan gabar yar ahaa , hooyadey waxay mar walba ii sheegi jirtay inaan mar walbo ka fekerayo caruurta macluusha hayso ee Africa. Sidaa darted waxaan ahaay qof mar walba  jecel dhaqanka Africa waana ka fekeri jiray mar walba.

Marki aan yaraa waxaan jeclaa inaan caawiyo dadka tabarta yare e u baahan caawinaada sidoo kale hooyadey waxay aad u caawin jirtay dadka dhiban, waxayna I fartay hooyadey inaan caawiyo dadka ku jira bulshada ee tabarta daran, sidaa daraadeed waxa aan maanta ahay waxaan ku ahay madaxa hooyadey ayada ayaana isoo fartay inaan bulshada caawinaada u baahan caawiyo, Hooyadey waxa haleelay kansar waxayna geeriyootay marki aan jiray 23jir.

Ma jiro qof garanaya meesha ay noloshu gayn doonto balse hadda waxan ku faraxsanahay NGO iyo howsha aan ka wado Nigeria.

Waxa la weydiiyay sida ay ugu suurta gashay inay ahaato qofta kaalinta koowaad ka galay liiska OOM MAGAZINE oo lagu daabaco qofta ugu saamaynta badan dunidan iyo waxa iska badalay marki ay maqashay arinkaas,  waxayna tiri waxay iisoo direen email waxayna ii sheegeen inay arintanxiisaynayaan  xaqiiqdi wan farxay markaan arkay emailka taasoo ay igu doorteen liiskooda koowaad, lkn waxaan qirsanahay inaan kaligay waxba qaban ee NGO geena iyo shaqaalaheena iyo waliba ninkeyga ay ahaayeen kuwa igu saaciday inaan heerkan gaaro waxaan u hambalyaynayaa dhamaan dadka igala dhaxeyso shaqada iyo OOM MAGAZINE oo magic ii yeelay.

Waxaa la weydiiyay waxa NGO uu qabto waxayna ku jawaabtay waxaan dhisnay xarun ka kooban iskuul, isbitaal, meel gabdhaha u qaas ah iyo meel wiilasha u qaas ah iyo waliba xafiisyo iyo kushiin loogu diyaariyo raashinka, Hadda waxan haynaa caruur gaareysa 40 halkii  2 sano ka hor aan ka heynay kaliya 10 caruur ah waxaana dooneynaa inaan sii wadno howlahaan anagoo caawinayda caruurta la kulanta jir dilka iyo dhaawaca kuwaaso quseeya sixirka iyo waxii la halmaala, waan wadi doona la dagaalanka waxyaabaha la xariira sixirka.

Waxaa Turjumay: Mohamed Nor Farah