Ramadaan Kariim, Akhriso: sifooyinka u gaarka ah bisha barakaysan ee Ramadaan

Waxaa caawa dhalatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, oo Muslimiinta dhammaan meel walba oo ay joogaan ay aad u sugayeen, bilashada Bishan.

Dowladda Sacuudiga, Qadar Imaaraadka Carabta iyo Dowlado kale oo Islaam ah ayaa xaqiijiyay in caawa ay dhalatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, dhammaan dadka Islaamka ahna laga doonayo in ay Soomaan.

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo Gobolada dalka ayaa dhankooda ku dhawaaqay in caawa ay bilatay Bisha Ramadaan, berrina ay tahay Soon.
Bisha Ramadaan sifaha iyo faa’idooyinka ay leedahay waxaa ka mid ah:

  1. Waa Bisha Naxariista iyo Sadaqada.
  2. Waa Bisha Cibaadada iyo Dambi dhaafka.
  3.  Waa Bisha Cadaab ka xoreynta Adoomaha.
  4.   Waa Bisha Qur’aanka Kariimka uu soo degay.
  5.  Waa Bisha ay ku dhex jirto Habeen ka khayr badan kun Habeen.
  6.  Waa Bisha Shayaadiinta la xirxiro.
  7. Waa Bisha Albaabka Janada la furo.
  8. Waa Bisha Albaabka Naarta la xiro.
    intaasi iyo in kale oo ka badan ayaa ku jira