Rag ka tirsan Al-shabaab oo madaxooda lacag la duldhigay

Wasaaradda Amniga Gudaha dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay Magacyadda xubno ay sheegtay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo ay dooneyso dowladda Kenya.

Waxa ay sheegtay dowladda Kenya in raggaasi Madaxooda la duldhigay Lacago badan.

Wasaaradda Amniga ayaa ku kala sheegtay Magacyadda ragga la doonaayo  Axmed Siciid Cumar iyo Cali Zira.

Kenya ayaa xustay in qofkaste oo keena xog u sahleysa laamaha amniga in ay soo qabtaan raggaasi in la siin doono 2Milayn oo Lacagta Kenya ah.

Dadweynaha reer Kenya ayay ka codsatay Wasaaradda Amniga in ay ku gacansiiyaan soo qabashadda labadaasi nin.

Dowladda Kenya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday in Madaxda Al-Shabaab ee dalka Kenya ay lacag duldhigto, waxaana dhawaan Wasaaradda Amniga ay sheegtay in ay dishay xubno horay lacag loo duldhigay.

Cheif Editor Goobsan Media Inc.                                                                               Jabril Yahye Isse