Qaliinki ugu yaabka badnaa oo ah dheg lagu beeray gacan ka hor intaan booskeedi lagu talaalin (sawiro)

Waxaa wadanka shiinaha lagu soo bandhigay qaliin guuleystay kaas oo ahaa mid dheg lagu beeray gacan ka hor inta aan loo sii gudbin booskeeda.

Dhakhaatiirta qaliinkan samaysay ayaa ayaa u dhashay Dalka shiinaha waxayna ku guuleysteen inay fuliyaan qaliinkan kaasoo ay ku sameeyeen nin shil baabuur ku waayay dhegtiisa midig, ninkan lagu soo gaabiyay magaciisa Mr ji ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah kaasoo naftiisa halis galiyay kuwa waayay qaybo ka mid ah jirkiisa.

Warbixintan oo lagu daabacay jariirada Daily Mail ee kasoo baxda dalka ingiriiska ayaa ku waramaysa in Dr GUO shuzhong oo ah dhaqtar ku shaqo leh howlaha qaliinka qurxinta uu sameeyay qaliinkan kuna qaadatay mudo dhan 7 saacacood oo ah isbuuci lasoo dhaafay, kadib qaliinka ayaa la ogaaday in howshu sidii la rabay ay u dhacday dhiigana uu ugu soconayo dhegtii la beeray qaliinkana saas ku noqday mid si cajiib ah loogu guulaystay laakiin beerida dhegtan ayaa si caadi ah qorshaheedu socday muddo bilooyin ah taaso lagu soo koriyay banaanka oo marki hore lagu talaalay.

Dr Guo oo howshan qabtay ayaa ka shaqo gala isbitaal hoos yimaada jaamacadda Xi’an Jiaotong  ee magaalada Xi’an  ee dalka shinaha ayaa kiiskan dheg beerida ah waxaa loo dhiibay sanadki 2016 bishii November.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in sanadi 2015 ay dhaawacyadani aadka u daran ay soo gaaray bukaankan lagu magacaabo Mr Ji.

Bukaankan ayaa waxaa lagu sameeyay dhowr qaliin oo kala duwan kuwaas oo lagu soo celinayay muuqaalki qayirmay ee wajigiisa waxaase soo wajahay niyad jab xoogan marki uu ogaaday inuu shilkan ku waayay dhegtiisa midig.

Dhaawaciisa ayaa ahaa mid daran oo takhaatiirta waxaa u suurta gali wayse inay dib usu talaalaan booskeedi dhegtan, intaas kadib ayaa Dr Guo marki lagu wareejiyay howsha bukaankan waxa uu go’aansaday inuu ku beero dhag macmal ah asagoona dhagtaas gacan ku samayska ah u adeegsaday tiknolojiyada casriga ah ee  3D loo yaqaano ,iyadoona dhegtan laga beeray carjawda feeraha ee bukaanka, kadibna lagu talaalay gacantiisa midig si loo koriyo dhagna ay u shaabahdo, waxay halkaas ku koreysay bilo waxaana la ogaaday inay diyaar tahay waxaana si toos ah loogu beeray booskeedi caadiga ahaa.

Mr Ji ayaa waxaa loo qabtay muddo todobaadyo ah inuu isbitaalka ku jiri doono si loola socdo xaaladiisa caafimaad ee dhegta la beeray kadibna loo ogolaan doono inuu gurigiisa ku laabto marki ay takhaatiirtu fasax siiso.

Dr Guo ayaa sheegay in qaliinada nuucan oo kale ah ay ku fukiyaan caruur tiradoodu gaareyso ilaa 500 carrur ah oo ay lasoo dersaan xaaladahan oo kale ama way ku dhashaan ayakoo xubnaha qaar nusqaani uga jirto.

Jaraa’idka daily china ayaa daabacay in Dr Guo uu horay ugu guulaystay qaliinada cayn oo kale ah sanadii 2006 waxayna ahayd marki ugu horeysay uu sameeyo qaliinka waji beerista ee Dalka China.

Halkan hoose ka eeg sawirada.