Qabiilka, Diinta Iyo Dawladnimadda.(Qormo Xiiso Badan)

Ummad kasta waxaa sal u ah horumarkeeda isbedel joogta ah oo bulshadeeda ku dhaca kaasoo saamayn ku yeesha sida ay bulshadaasi nolasha u aragto, habdhaqankeeda bulsho, qiyamkeed, siyaasadeed iyo habkeedda dhaqan dhaqaale. Isbedelku iskama yimaado ilaa ay si go’an oo dareen hufan  leh indheergaradkeeda iyo hogaanka bulshadda u  dareemaan baahidiisa, islmarkaana hay’adaha sida tooska ah bulashadda raadeeya ay ka hawlgalaan arrinkan.

Hay’ adahaas waxaa ka mid ah, Qoyska,  Iskuulka, Masjidka, Warbaahinta iyo kuwii la halmaala. Waxaa lama huraan ah in ayaa taa barbar socoto Dood Qaran oo si joota ah u furan.

Dad badan ayaa ku qaba in sooyaalka siyaasadeed ee Soomaaliya la soo seegay doodo badan oo muhiim ah kuwaasoo xiriir wayn la lahaa aayaheeda dawladeed iyo jiritaankeeda qaranimo. Tusaale ahaan Soomaalidu intii ay Miyiga ama Baadiyaha  ku nooleed oo ayan magaalooyinka usoo guurin waxaa jiray hab dhaqan bulsho oo uu Qabiilku sal u yahay. Qabiilki wuxuu ahaa unugga Bulsho ee salka u ah qaab dhismeedka bulshadda Baadiyaha, Dhiigga iyo wada dhalashaduna waxay ahaayeen xariga  bulshadda xiriiriya  taa ayaana lagu salayn jiray dhamaan xeerka nolasha.

Qabiilku maadaama uu ahaa udub dhexaadka qaab dhismeedka bulshadda reer Miyiga ma ahayn wax ceeb ah in la isku hayb warsado, la isugu hiiliyo, lagu xeertamo  laguna xuduntamo. Dhibse wuxuu ka yimid markii magaalo la yimid oo la doonay  in dawlad casri ah la dhisto. Dawladda Casrigga ah qaab dhismeedka waxaa unug Bulsho ah dhaqan magaalo oo Madani ah, xariga bulshadda xiriirinayana waa xirfad iyo dan. Muhiim maaha in dadka dawlad Casri ah dhisanaya ay ishayb garanayaan ama isku dhiig yihiin ee waxaa muhiim ah in ay isku xirfad, dan iyo deegaanyihiin.

Hadaba, waxaan wada ogsoonahay in aan haba yaraatee wax dood ah laga furin waagii xornimadda loo dirirayey iyo markii la qaatayba sidii looga soo dhalaali lahaa shuruudaha dawlad casri ah taasoo ah sidii looga guuri lahaa qaab dhismeedkeedii  bulsho ee baadiyaha ee qabiilku salka u ahaa oo loogu guuri Bulsho qaab dhismeedku Madani yahay.

Doodaas markii ay ina seegtay waxay dhashay Bulsho beled iyo magaalo degan laakiin weli qaab dhismeedkeedu kii baadiyaha yahay. Marna si cilmiyaysan looma hawgelin hay’adaha raadeeya kobciyana wacyiga iyo fikirka nolasha ee bulshadda  si ay uga qaybtaanaa isbedelka laga maarmaanka u ahaa bulshadda. Qoyska, Iskuulka, Masjidka, Warbaahinta, jaamacadaha, xarumaha cilmibaarista hadiiba ay jireen ma ahayn kuwo ku falsafadoodu ku wajahnayd  dhismaha bulsho casri ah .

Dooda Diinta

Iyadoo aan doodii qabiilka iyo dawladda weli laga soo bixin ayaa waxaa soo baxay dood kale oo ah in diinta halagu dayo in lagu xaliyo  mushkiladda Soomaalidda.

Maxuma oo diintu waa cunsurka keli ah ee isku hayn kara bulsho qabiil  hab dhaqankeedu yahay, laakiin waxay su’aashu ka taagantahay ma aha Diinta ee waa dadka doonaya in ay Diinta meel mariyaan. .

Sida lawada ogsoonyahay Diintu waa  Naska oo ah Kitaabka iyo Sunadda Nabiga. Waxaa iyana jira Culimadda oo hawshoodu tahay in ay Diinta fasiraan Nusuusta diinta ay waaqaca usoo dejiyaan. Waa sedex geesood aan kala maarmin, Naska, Culimadii iyo Waaqica.

Culimadu si ay ahal ugu noqoto gudashadda waajibka laga doonayo waa inuu xeeldheere ku yahay diinta iyo culuumteeda islamarkaana uu fahamsanyahay waaqica la doonayo in diinta loo dejiyo. Culuumta dinta waxaa aalada lagu fahmo Naska Diiniga ah sida Fiqiga, Usuul Fiqiga, Cilmiga Quraanka iyo Cilmiga Xadiiska, Luqadda laamaheeda kala duwan , sida Naxwaha, Sarfiga, Balaaqadda, Curuudka iwm. In aad Diinta iyo Culuumteed aqoon u leedahay ma ah mid kaafi ah oo ruuxa ku filan ee waxaa iyana laga maarmaan ah in aad aqoon iyo macrifo fiican u leedahay waaqaca la doonayo in Naska loo dejiyo. Waaqucu wuxuu isna leeyahay cilmi laga maarmaan u ah in la darso si loo fahmo, sida cilmiga Bulshadda, Dhaqaalaha, Siyaasadda, Qaanuunka iyo Taariikhda iwm.

Waxaa iswaydiin mudam in ay dhici karto suurtagalnimadda in la helo ruux intaasoo aqoon ah isku darsaday. Way muuqataa in ay yartahay in la helo ruux intaasoo aqoon ah kulansaday, waa taana mida laga maarmaan ka dhigaysa in la helo goloyaal ay ku dhanyihiin culimo aqoontaasoo dhan kulansatay, aqoonta Diinta iyo Culuumteeda iyo aqoonta Waaqaca iyo Cilmigiisa. Dunida manta joogta ma ah mid saamaxaysa in ruux uu kaligiis ka waramaa arrimaha diinta oo looga danbeyaa.

Hadaba waxaan ogsoonahay in aysan Soomaaliya ka jirin goloyaal culimo oo leh aqoonta aan soo sheegnay mana jirto xarumo aqooneed diinta Islaamka lagu darso marka laga reebo xalaqaadka masaajidadda oo lagu barto aqoon guud oo asaasi ah, taasoo soo saarta dad wacdi iyo waano diineed ku siman. Taas waxaa daliil u ah in aysan ilaa iyo haatan jirin culimo Soomaaliyeed oo  in ay kutubo qoraan gaaray ama cilmi baaris lagu soo saarayo qoraalo diineed amaba ka qaybqaadata doodaha ka socda dunida Islaamka.

Iyadoo ay taa jirto ayaa dadka diinta hormoodka u noqday Soomaaliya ay yihiin kuwo Bulshadda ka go’an oo aan si wayn ugu xirnayn , taasi waxay keentay in aysan wax badan kala socon, habdhaqanka dhaqandhaqaale ee bulshadda, taariikhdeeda, joqraafigeeda, suugaanteedda iyo sooyaalkeedii siysaadeed. Hadii si kale loo dhigo Soomaaliya ma haysato Culimo kulansaday aqoon diineed iyo mid waaqic. Tani waxay adkaynaysaa in halkudhigyadda wanaagsan ee ay ku dhawaaqayaan ee ay ka mid tahay in Islaamku xalka yahay uusan si sahal ah ku hirgalaynin.

Hadaba iyadoo aanu kasoo waaqsan la’nahay cawaaqib xumidii ka dhalatay doodii ina seegtay xiligii la doonayey in dawlad casri ah la hoos harsdo, ayaanu dhexda ka maquuranay dood kale oo aan weli loo bislayn oo dadka hurmuudka ka ahna ayan weli soo buuxin shuruudihii ay mashruucaan hogaan ugu noqon lahaayeen. Taasina waxay keentay in la galo jahwareer qaran, kaasoo ay ka dhalatay in magac diineed la isku dilo, diintiina ay noqoto sharciyad dhiigga, hantidda iyo sharafta ruux a Muslimka ah lagu banaysto lana kala sooci waayo ra’yiga shakhsiga, dhamaciisa siyaasadeed iyo diintii.

In magac Diineed la isku dilaa ma aha wax Soomaalidu ugu horayso oo xiligii Saxaabadda ayaa la isku dilay oo Mucaawiyo iyo Cali (Alaha ka raali noqdee) ayey ahaayeen ragii kumaanan kun iska laayey. Inta badan Firqooyinka diinta waxay salka ku hayaan oo sababay in ay soo unkamaan waa Siyaasad, laakiinse si ajendahooda siyaasadeed ugu meelmaro oo ay sharciyad iyo aqoonsi u helaan ayey diinta huwi jireen. Tusaale ahaan Shiicadu waxay kasoo bilaabatay dooda ah in Cali Bin Abii Dhaalib uu xukunka xaq u lahaa kana mudnaa Abuubakar iyo Cumar. Eeg waxay ka bilaabatay xaq u yeelasho xukun. Sidoo kale Khawaarijtu waxay qabeen in Cali oo ay taageersanayeen qacdii hore uu ka leexday dariiqii saxa ahaa oo uu xukunkii Ilaaheey rag taladii ka dhigay, taasoo ay ka wadaan markii uu Cali Abuu Muusa Al-ashcari soo wakiishay halka Mucaawiye uu Camar Ibnu Caas soo wakiishay si ay ugu gar naqaan.

Xageen ka aadnaa halkan

Dhibaatada Soomaalida ee dheeratay waxaa barbar socday aqoonyahan badan oo Soomaaliyeed oo qalinka u qaaday in dhibtan wax ka ifiyaan. Maalin kasta waxaa la qoraa maqaalo fara badan, waxaa socda doodo  ay ardayda iyo macalimiinta jaamacadaha , suxufiyiinta isku deyeaan bal in la ifiyo mushkiladda in haysata xalna loo helo. Doodahaas waa kuwo togan laakiin intooda badan waxay ku wajahanyihin dhacdooyin maalmeedka siyaasadeed, uma daadegaan mushkiladda gunteeda iyo halka ay sartu ka quruntay.

Hadaba waxaa ila haboon in dood furan oo xor ah oo heer qaran ah laga furo, Qabiilka, Diinta iyo Dawladnimadda. Sidee looga talaabaa 4.5 iyo qaabka qabiilka. Yaa Diinta metala?, mase yihiin dadka haatan magaceedda ku hadlaya kuwo qaadi kara oo soo buuxiyey shuruudihii laga maarmaanka ahaa?, waa maxay farqiga u dhexeeya diinta iyo dadka ka turjumaya?, Diinta, Dastuurka, iyo  Qawaaniinta dalka xagey iskaga soo dhacaan, sidoo kale Siyaasadda, dawladnimadda iyo Diinta.

Waxaa iyana dood mudan ma nahay bulsho dawlad casri ah yeelan karta? mise waxaynu weli nahay bulsho bilaw ah oo qaabdhismeedkii bulsho Baadiyeed xiise iyo hilow u qabta ilaa aanu xeerarkeenii 4.5 ku qorono oo aan qabyaaladii sharciyeyno, culimadiina ay qabiilkii u qiil dayaan oo ay yiraahdaan quraankey ku dhiganyahay, iyadoo la daliishanayo aayada Quraanka ah ee oranaysa in Ilhaaheey Shucuub iyo Qabaa’il inaga dhigay si aan isku garano, laakiin Ilaaheey wuxuu hormariyey Shacabka, qabiilkana wuuu dib dhigay inaguse qabiilka ayaanu soo hormarinay oo qaadanay shacabna waan iska daynay. mase dhici kartaa iyadoo qabyaaladii sharci tahay in qabiil laga gudbo oo qaran loo gudbo.

 

W/Qoray: Abdirahman Abdishakur Warsame