Qaar ka Mid ah Wadamada Yurub oo isku Raacay in la qeybsado Qaxootiga Liibaya ka yimaada.

Wadamada Yurub qaarkood ayaa isku raacay qeybinta Qaxootiga laga soo badbaadiyo Bada Mediterranean kadib markii heshiis ku gaareen  wadanka Malta.

Wadamada  Italy, Malta, France iyo Germany oo kulan ku yeeshay Caasimada Malta ayaa kulanka kadib kasoo saaray heshiis dhigaya in la qeybsado Qaxootigaasi laga soo badbaadiyo bada gudaheeda.

Kulanka oo dhacay isniinta lasoo dhaafay ayaa muhiimadiisa ugu weyn waxay aheyd xalinta dhibaatada ka taagan Qaxootigaasi dhoorka mar ku xanibmay bada gudaheeda madama ay iska diiday dowlada Italy.

Wadamada Sweden iyo Norway oo xubin ka ah Midowga Yurub ayaana ka qeyb ka noqon kulanka si saamigooda loo siiyo.