Nin gowracay 31 Qof ee hadana Hilibkooda cunay

Sida uu qoray wargayska World News Daily Report oo Goobsan Media kasoo xigatay Booliska magaalada Houston ayaa soo xiray Ninkan oo lagu magacaabo ivan federovitch yanukovych waxaana la aaminsanyahay inuu ka dambeeyay dilalka dad gaaraya 31 qof kuwaas oo kala ahaa 23 Nin oo ka shaqaynayey maqaayado kala duwan oo Piza-aha dalabka ah geeya meelaha laga soo dalbado iyo 6 qof oo adeege ka ahaa kaniisado  kana shaqeynayey faafinta diinta kirishtaanka iyo sidoo kale 2 Nin oo ayakana ka shaqeynayey Postada intaas oo dil ah ayay ku qaadatay inuu fuliyo muddo 7 sano gudaheed ah.

Ivan oo 56 jir ah ayaa dhamaan dadkaas oo lagu waayay deegaanka uu ku noolyahay ayaa lala xariiriyay dilalkooda sida ay sheegeen saraakiil u hadlay booliska Houston.

Ninkan oo ay soo dacweeyeen dadka degaanka xili uu watay Miishaar dharkiisana uu ka muuqday dhiig fara badan xiliguna uu ahaa habeen waqti dambe ah markii ay boolisku baaritan ugu tageen meel geerish ah oo uu lahaa eedeysanaha ayay ugu tageen Meydad iyo hilbo xubin xubin u go’an kuwaas oo ay boolisku sheegeen in ay u diyaarsanaayeen sida ground meat oo ah hilib la habeeyay.

sidoo kale sarkaal u hadlay Booliska oo lagu magacaabo Buchanan ayaa sheegay in ay jireen 4 firinjeer oo ay ka buuxeen hilbo lagu qiyaasay 700 pounds oo u dhiganta 315kg .

Mid ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay Ninkaan ivan ah inuu ahaa nin is dhexgalka bulshada ku fiican uuna gurigiisa ku casuumi jiray dad fara badan asagoona ka codsanayay inay la daawadaan ciyaaraha xiisaha leh sida kubada cagta intaas waxa uu raaciyay inuusan waligiis ka shakinin Ivan.

Ivan ayaa waxa uu guri kiro ah kula noolaa hooyadiis Anastazia oo 93 jir ah.

Nin kale oo dadka degaanka ah ayaa asna warbaahinta u sheegay inuu Ivan la qaadan jiray bulshada kulamo casho ah uuna mararka qaar sameyn jiray dhaqaalo aruurin dad wax loogu qabanayo uuna ahaa nin bulshada door wayn uga jiray uusana ilaa hadda aaminsaneen falkan lagu haysto.

Haddii dambigan lagu helo Ivan federovitch waxa uu muteysan doonaa 2,675 sano xabsi ah waa sida ay aaminsanyihiin dadka khuburoda ah.

Kala Soco Goobsan Media wararka Arrimaha Bulshada waana wargeyska ugu soo tabinta wanaagsan dhanka Arimaha Bulshada.