Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kambaala ee dalka Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caawa magaalada Kambaala ee dalka Uganda, halkaas oo uu tababar ugu soo xirayo cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka caalimaga ah ee Entebbe International Airport ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed oo si naf hurnimo leh u wajahaya dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, dhiiggoodana u huraya xoreynta dalkooda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagi doona tayada tababarrada ay qaateen guutooyinkan ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, isagoo la wadaagaya guulaha la taaban karo ee Ciidamadeennu ay ka soo hooyeen howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay dib u habaynta Ciidanka Qalabka Sida oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.

Goobsan Media Inc.