Dowlada Federaalka ee Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixdey heshiis milatari

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, iyo danjiraha Mareykanka u
fadhiya Muqdisho, Larry André, ayaa kala saxiixdey is-afgarad dhanka milatariga ah.
Nuur oo loo garan-og-yahay Jaamac ayaa qoraal uu ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga waxa uu
fahfaahin uga bixiyey is-fahamka uu la galay wakiilka xukuumadda Washington.

“Waxaan Dowladda Mareykanka uga mahad celineynaa taageerada uu mar walba la garab taagan yahay Dowladda
Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka.
Mareykanka ayaa kamid ah dalalka taageerada joogtada ah siiya Soomaaliya gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo tababaridda ciidamadda kumaandooska ee loo yaqaano Danab.
Danab oo xaruntooda ugu weyn ay tahay degaanka Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa qorshuhu yahay
in la kordhiyo tiradooda sanadaha soo aadan si ay uga adkaadaan Al-Shabaab.