Hay’adda NISA oo Xabsiga dhigtay Suufiyaan Taakeeye

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida ee NISA ayaa sheegtay inay gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, (Taakeeye) oo lagu eedeeyay inuu faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

War kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Sufyaan Sheekh Axmed, (Taakeeye) uu sidoo kale taageerayay kooxda Alshabaab oo ay dowladdu u taqaano kooxda Khawaarijta.

Hay’adda NISA waxay sheegtay Sufyaan oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya inay kasoo dejisay magaalada Muqdisho waxa ayna ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya Alshabaab, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shaqsiyaadka la wadaaga fikirkan dowladdu u aragto inuu halis ku yahay ummadda Soomaaliyeed.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA waxay sheegtay inay ka go’an tahay in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh waxa loogu yeero Argigixisada.