IMF oo sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka gudubtay hannaankii 5-aad ee barnaamijka deyn cafinta.

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa sheegtay in dowladda federalka Soomaaliya ay ka gudubtay hannaankii 5-aad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Hay’adda ayaa warkaan ku sheegay warbixin ay soo saartay oo ku saabsanayd dib-u-eegista 5aad ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta.

IMF ayaa waxay sheegtay iyada oo ay jiraan caqabado amni, dhaqaale iyo cunno yari – haddana ay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumar wayn ka samaysay sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta ee loo soo gaabiyo ECF oo hadda  Dowladdu ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad.

Warbixin cusub oo kasoo baxday hay’adda IMF ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay yareeyso isticmaalka Kharashaadka laga maarmi karo. Hay’adda IMF waxay sheegtay in dowladdu mudnaan siiso xoojinta sare u qaadidda dakhliga gudaha.

IMF waxay Dowladda ku bogaadisay  in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka Maamulka Canshuuraha iyo Iibka Qaranka oo muhiim ah sare u qaadidda dakhliga dalka. Sidoo kale IMF ayaa bogaadisay Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay xeerar muhiim ah horumarka Maaliyadda Soomaaliya iyo Hufnaanta dhaqaalaha.

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ah wasiirka maaliyadda Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay warbixinta IMF ay ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee ku saabsan shuruudaha Barnaamijka ECF ee Deyn Cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan soo dhaweynayaa Warbixinta ay soo saartay Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, taas oo muujinaysa in Dowladda Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka gaartay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya, warbixintaan ayaa soo baxday kaddib shirar ka -fool- ka -fool ah iyo kuwo foggaan arag ah oo aan yeelanay Hey’adda IMF iyo Bangiga Adduunka,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan filaysa in ay gaarto barta loogu magac daray “kama dambeysta” oo ah halka lagu gaari doono deyn cafis dhameystiran.