Mudo Sanad ah kaddib Maxaa u Qabsoomay Dowladda Soomaaliya

Maanta oo Khamiis ah muddo sanad ah ayaa ka soo wareegtay markii xillka madaxtinimada dalka loo doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 8dii Feberaayo sanadkii 2017-da.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad uu habeenkii doorashada dhaarta kaddib uu jeediyay balan-qaaday in uu wax ka qaban doono, Amniga, hergalinta Cadaallada iyo caawinta sida uu hadalka u dhigay dadka saboolka ah.

Hadaba si kooban waxaa qormadan ku eegi doonaa wax yaabihii u qabsoomay dowladda iyo caqbaadihii soo wajahay muddadaa sanadka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 23kii bishii Feberaayo u soo xushay in uu dalka ra’iisal wasaare ka noqdo Xassan Cali Kheyre oo beeshii Marso soo magacaabay gole Wasiirro kooban 26 Wasiir, 26 Wasiir Ku-xigeen iyo 15 Wasiiru-dowle.

Dadka falanqeeya siyaasada ayaa qaba in dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku guuleystay muddadii koobneyd oo ay jirtay dib u habeynta ciidamada qalabka sida  iyo dhismaha ciidamo isku dhaf ah oo meelaha qaar sida Puntland iyo Jubbaland durbaba laga bilaabay hergalinteeda.

Abuukaate Max’uud Axmed Xassan oo horay Wasiir uga soo noqday xukuumaddii ra’iisal wasaare Saacid, ayaa sheegay in dowladdo ku guuleystay bixinta mishaaraadkii shaqaalaha iyo ciidamada oo ku dhawaad muddo 8 bilood ah ka maqnaa.

Dhinaca wax ka qabashada Amniga ayuu sidoo kale ku amaanay dowladda dhismaha ciidamo gaar ah oo ka shaqeeya xasilinta caasimada kuwaa oo meesha saaray qaraxyadii joogtada ahaa marka laga reebo Qaraxii 14kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Siyaasiga Maxamed Max’uud Guulleed Gacma- Dheere oo horay xilal uga soo qabtay dalka ayaa sheegay in muddo sanad ah dowladdu gaartay xasilooni siyaasadeed iyadoo si wanaagsan ay u wada shaqeeyeen Madaxtooyada iyo Xukuumada oo dhif iyo naadir aheyd in ay muddo sanad ah ku dhameystaan buuq la’aan marka loo eego dowladdihii ka horeeyay.

‘’Waxaa ka mid ah waxyaabaha dowladdu ay ku guuleysatay in markii ugu horeysay dib loo soo celiyay in hawadii Soomaaliya dalka laga maamulo, waxaa ka mid ah isla xisaabtan dowladda dhaxdeeda ah, waxaa ka mid ah in madaxweyuhu socdaalkii ugu dheeraa uu ku maray gobollada dalka iyo mashaariicdii la dhagax-dhigay oo dhamantood lagu tilmaami karo hormar ay dowladdu gaartay’’ ayuu yiri Gacma –Dheere.

Wax qabadka dowladda ayaa sidoo kale waxaa qeyb-weyn ka ah sii deynta Boqolaal  Maxaabiis Soomaaliyeed ah oo ay dowladdu ka sii deysay qaar ka mid ah xabsiyada wadamada dunida, kuwaa oo qaarkood dalka dib loogu soo celiyay, maxaabiistii ugu badneydna dowladdu waxaa ay ka soo celisay dalka Itoobiya oo ay muddo dheer ku xirnaayeen.

Soo afjarista xiisadii Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa lagu tilmaamayaa mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa oo ay dowladdu gaartay.

Laakiin dhinaca kale dowladda ayaa lagu dhaliilayaa in aysan wali waxba ka qaban arrimaha Garsoorka iyo Cadaallada oo ka mid ahaa balanqaadyadii madaxweynaha sida uu sheegayo Abuukaate Max’uud Axmed Xassan.

‘’Waxey aheyd markii uu madaxweynaha kursiga ku fariistayba in si deg deg ah Cadaallada wax looga qabto, tusaale ahaan in la dhiso guddigii Cadaallada, taa la oran waa gaabis ku yimid mid ka mid ah ballaan-qaadyadii ugu waaweynaa ee madaxweynaha’’ ayuu yiri Abuukaate Max’muud.

Xukuumada marka la eego muddadaa sanadka ah waxaa soo wajahay caqabado siyaasadeed gaar ahaan u gacan-galintii dowladda Itoobiya Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ay xukuumaddu kala kulantay dhaleeceyn iyo cambaareyn weyn.

Waxaa sidoo kale xilalkii ay hayeen isaga tagay ama laga qaaday, Wasiiro, taliyayaal ciidan iyo guddoomiyihii gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Dowladda ayaa sidoo kale muddadaa sanadka ah wajahday caqabado siyaasadeed oo aad u waaweyn sida go’aankii ay ka qadatay Khilaafka Wadamada Khaliifka iyo dowlad gobolleedyada qaarkood oo arintaa ku gacan-seyray kaddib markii ay taageero u muujiyeen Isbaheysiga ay horkacayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka iyaga oo ka so horjeestay go’aanka dowladda ee dhaxdhaxaadnimada ku saleysan.

Sidoo kale dowladda ayaa wajahday mucaaraddad weyn uga imaneysa Siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay dalka, laakiin dowladdu u aqoonsatay shaqsiyaad Qaran dumis ah oo ka shidaal qaadanaya dowladdo shisheeye, taasoo sababtay weerarro khasaare dhimasho sababay oo dowladdu ay ku qaaday qaar ka mid ah siyaasiyiintan.